Calanka Shacabka Falastiin ayaa markii ugu horaysay taariikhda laga taagay xarunta Qaramada Midoobay eey ku leedahay magaalada New York ee dalka Maraykanka. Arintan waxaa soo dhaweeyay aadna ugu riyaaqay shacabka Falastiin  meel kastooy joogaanba iyo madaxdooda oo ku tilmaamay ineey tahay dhacdo taariikhi ah.

 Dad damaashaadaya ayaa isugu soobaxay qaybo kala duwan oo kamid ah wadanka Falastiin kadib markay maqleen in calankoodii lasudhay xarunta Qaramada Midoobay ee ay ku leedahay magaalada New York.

Golaha loodhan yahay ee Jamciyada Quruumaha kadhaxaysa ayaa horaantii bishii lasoo dhaafay ee September ogolaaday Falantiin in calankeeda ay ka taagtaan dhismayaasha Qaramada Midoobay, inkastoo aanay ahayn dal madax banaan oo xubin ka’ah Qaramada Midoobay.

Hogaamiyaha Falastiin, Mudane Maxamuud Cabaas, oo ka hadlay kulanka Golaha loodhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Falastiin aysan mardambe u xayirnaan doonin heshiisyo lala galo Israa’iil, wuxuuna ku eedeeyay Israa’iil ineey sii wado kuxad gudubka heshiiskii lagamac baxay Oslo, ee la saxiixay sanadkii 1993-dii, isagoo ugu baaqay beesha caalamka ineey ilaaliyaan danaha shacabka Falastiin ee isticmaarsiga Yahuuda ku hoos jira.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay