Waagacusub.info- Xukumadda Ethiopia ayaa dagaal dheer kadib ku guuleeysatay iney la wareegto Jamhuuriyadda Somalia ,hab aan la dareemin.

Gumeeysiga Ethiopia waxeey Somalia u direen lix Jeneral kuwaas oo loo qeybiyay goboladda ugu muhiimsan Somalia,waxeeyna kala yihiin magacyadooda sida hoos ku qoran.

1- Jeneral. Berhu Tesfaye: wuxuu qaabilsan yahay, Aagagga Waqooyi, wuxuuna Saldhigiisu yahay Magaaladda Hargeysa.

2- Jeneral. Abraham Alemu: Wuxuu qabilsan yahay, Aagagga Puntland, wuxuuna Saldhigiisu yahay Magaaladda Garowe.

3- Jeneral, Gebresilasia Mokane: Wuxuu ka hawlgalaa Gobolada dhexe ee Somalia, wuxuuna Saldhigiisu yahay Magaaladda Dhuusamareeb.

4- Jeneral. Gebemedin Fekedu: Wuxuu ka hawlgalaa Aagagga Bay iyo Bakool,Shabeeladda hoose, wuxuuna saldhigiisu yahay Magaaladda Baydhabo.

5- Jeneral. Taferi: Wuxuu ka hawlgalaa, Aaga Jubaland, wuxuuna saldhigiisu yahay Magaaladda  Kismaayo.

6- Jeneral. Gabre wuxuu qaabilsan yahay  Xamar ,Shabeeladda dhexe iyo Hiiraan,wuxuuna Fadhigiisu yahay. Magaaladda Muqdisho.

Xukumadda Ethiopia waxeey Safaaradeeda ka dhex furatay Madaxtooyadda Villa Somalia taas oo ka dhigan inuu Calanka Ethiopia ka dhex taagan yahay Madaxtooyadii Qaranka Somalia looga talinaayay.

Jeneral Gabre wuxuu xafiis gaara oo lagu qayilo ku dhex leeyahay Villa Somalia ,waxaana Warbixinta u geeya Wasiiradda Xukumadda Federalka Somalia iyo Taliyeyaasha Ciidamadda iyagoo weliba u kala dhuunta.

Arintani waxay shaaca ka qaaday, in qorshihii Somalia lagu qabsan lahaa, mar hore la dajiyay, Talaabooyinkii aasaasiga qorshahaas u ahaana, in mar hore la dhamaystiray laakiin waxeey Xeeldheerayaasha arrimaha Somalia u dhuun duleelo la yaaban yihiin sababta Wadaniyiinta Soomaaliyeed u arki la yihiin gumeeysiga cusub ee Somalia.

Gumeeysiga Ethiopia markii ay ku fashilmeen sanadkii 2006 iney qabsadaan Somalia waxeey hindiseen qorshayaal cusub,waxaana ka mida iney qabiiladda Soomaaliyeed u dhisaan maamulo ku dhisan qabiil iyo iney hub siiyaan argagixisada Al-Shabaab si indhaha Caalamka loogu qaldo iney ka hortagayaan argagixisada Alqaida.

Ethiopia waxeey argagixisada u aragtaa qiil ay ku qabsan karto Somalia maxaa yeelay qofkii siyaasadooda ku hor yimaado waxeey markiiba ku tilmaamtaa argagixiso taas oo tusaale loo soo qaadan karo ololaheedii fashilmay ee ay Jabhadda Gobanimadoonka ONLF kula xiriirisay iney Al-Shabaab yihiin.

Sikastaba ha ahaatee,waxaa la joogaa xilligii Somalia loo hibeeyn lahaa Gumeeysiga Ethiopia ama dadka Soomaaliyeed u istaagi lahaayeen sideey gumeeystaha uga difaaci lahaayeen qadiyadooda iyo sharaftooda Somalinimo.

By Dahir Alasow

dahir.alasow@waagacusub.net

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay