Waxaa maanta oy taariikhdu tahay 2/10/2015 magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiyashirkii caadiga ahaa iskugu yimid Jaaliyada Somalida Ogadenya ee ku dhaqan wadanka Sacuudiga.

Kulankan ayaa u qabsoomay si habsami leh oo aad u sareeya. Waxaana lagaga hadlay shirkan arimo badan oo muhiim ah kuwaasoo ay kamid yihiin dardar galinta geedi socodka hawlaha Halganka. Shacabkii kulankan kasoo qaybgalay ayaa isku raacay muhiimada ay leedahay hirgalinta qorsheyaasha Halganka Ogadenya isla markaanay ay taageero buuxda lagarab istaagaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO.

Furitaankii shirka kabacdi Sheekh Musdhafe ayaa soo jeediyay wacdi diini ah, waxaa isna kahadlay shirka Gudoomiyaha Jaaliyada Halgame Gaaxnuug isagoo soo jeediyay khudbad aad uqiima badan dhinacyo badana taabanaysa. Waxaa isna kahadlay madasha Masuulka Warfaafinta Jaaliyada Halgame Cube Haybe, hoganka Dhaqalaha Halgame Maxamed Cali Geele iyo Hogaanka Abaabulka Halgame Maxamed Aadan (cabdi haarun).

Dhanka kale waxaa lagudoon siiyay xubnaha haaliyada shahaado sharaftii ay ku mutayteen shaqo wanaaga iyo mayal adayga iyo sida ay uga go’an tahay gudashada xaqa saaran. Waxaa ugu danbayb lagusoo gaba gabeeyay shirka wacdi diini ah oo uu soojeediyey Sh Xasan Nuur oo cadeeyey inuu yahay halganka Somalida Ogadenya mid ku waajibay muwaadin kastoo u dhashay wadanka Ogadenya.

ONA

Screenshot_2015-10-02-21-43-35

Screenshot_2015-10-02-21-43-56

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay