Oslo- Waxaa maanta soo booqday xafiiska Jaaliyadda S. Ogadeenya ee wadanka Norway, farshaxaniistaha weyne ee Soomaaliyeed Mudane Amiin Caamir, oo soo dhaweyn heer sare ah kala kulmay maamulka iyo madaxda Jaaliyadda S. Ogadeenya ee Norway. Farshaxaniiste Amiin Caamir, ayaa kamid ahaa marti-sharaftii lagu casuumay inay ka qeyb galaan shirweynihii maalinimadii Axada ahayd lagu soo gaba-gabeeyey caasimada Oslo, oo ay ka soo qeyb-galeen dadweyne kor u dhaafaya ilaa 1500, uuna kamid ahaa ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Mohamed A\llaahi Farmaajo iyo marti-sharaf kale.

Farshaxaniistaha Amiin Caamir oo lagu xasuusto sawir gacmeedyo fara-badan oo ka sameeyey tacaddiyada iyo xad-gudubyada aan kala go’a lahayn ee kajira dalka Ogadeenya, ayaa xubnii kulanka goob-jooga ka ahaa uga waramay dareenkiisa halganka ku aadan iyo kaalinta muuqata ee uu halganka kaga jiro, Isagoo sheegay inuu yahay xubin sawirkiisa ku difaacaya qadiyadda Ogadeenya, diyaarna u yahay marwalba inuu garab in tan ka badan uu ka geysto dadaallada lagu xoreyn hayo dhulka Ogadeenya.

“Waxa ii qorsheysan inaan School of Arts ( College lagu barto farshaxanka) ka dhiso Ogadeenya oo xor ah, kharashka ku baxayyana aan jeebkayga ka dhiibo, waa ballan aan naftayda ka qaaday mudo hore, ummada cadaaladda iyo xornimada jecelna aan u sheegayo” ayuu yiri Amiin Caamir oo hadalkiisa sii raacshay ” Waan taagnaa kuwan ( Woyaanaha) markay talada la wareegayeen, haddana waxaan idiin sheegayaa haddii ilaah yiraahdo inuu dhamaaday xiligoodii, halganka Shacabka Ogadeenyana uu guusha hanan-doono mardhow, xornimadana aan u wada joogi doono”.

Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Bulshada ee Jaaliyadda Norway, Mudane Asad Daahir, oo dhankiisa warbixin iyo xog-waran ku saabsan hawlaha iyo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee Jaaliyadu ku talaabsatay mudadan dambe goobta ka sheegay iyo kaalinta qof walba oo wadaniyad iyo dhiig Soomaalinimo leh kaga aadan difaacidda iyo u hiilinta halganka Shacabka S. Ogadeenya, ayaa gudoonsiiyey Artiste Amiin Caamir, buug ka hadlaya taariikhda Ogadeenya oo lagu magacaabo ” Ogaden History”, kuna qoran luqadda Ingiriiska.
Wakaalada Wararka Ogadeenya (ONA) oo wareysi gaaban la yeelatay Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha bulshada ee Jaaliyadda Norway, ayaa sheegay in taageero aan la qiyaasi karin oo dhan kasta ah ka heleen kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen maal-mahihii tagay dhamaan madaxdii iyo marti-sharaftii ka soo qeyb-gashay kulankii loogu wanqalay Somali Hope, uuna ka midka ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.

Waxa sidoo kale, kulanka Amiin Caamir goob-joog ka ahaa maamulka Jaaliyadda, xubno sar-sare iyo ururka dhalinta OYSU- Norway iyo Finland, oo dhamaantoodba uga mahad-naqay Mudane Amin Caamir, doorkiisa ku aadan la dagaalanka gumeysatada Tigreega. Farshaxaniistaha ayaa lagu xasuustaa sawir gacmeed dhawaantan uu sawiray oo uu kaga faalloonayo damaaciga Males ka haya Shidaalka Ogadeenya, damanaanta Siilaanyo iyo dhidid-dhawrka Ina Iley oo uu quful weyn madaxa kaga xidhay.

Kala soco ONA wareysi meelo badan taabanaya oo aan la yeelanay Hogg. Abaabulka iyo Arim Bulshada ee Jaaliyadda Norway Mudane Asad Daahir.

ONA\Norway

 
 

2 Comments

  1. OG Boy says:

    Maaaaaaaaaaaasha Allaaaaaaaaaaah gabdhaheena qurux badanaa:D \o/ ilaahey ha idin deysto.

    • Naftii-hure says:

      Amin caamir is a Somali Hero. Somalis all over the World appriciate him for his Patriotism and Vision.Ogadenia will be freed either by Peaceful Means or Gun.when Ogadenia got its Independence,we shall build People like Amin Caamir and Saado Cali Warsame a big MONUMENT taller than the Sayid Mohamed one in Mogadisho. thank you for Supporting of your brotherly Somali-Ogaden CAUSE.God bless you.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay