Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ee ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayaa sheegaya dagaallo dhowr ah oo ciidanka wayaanaha loogu xoog sheegtay ineey Ogadenya ka dheceen. Dagaaladan oo kadhacay Gobolada Shabeelle , Qoraxay iyo Doollo ayaa lagu soo waramayaa ineey ku lee’deen tiro kamid ah maxaysatada gumaysigu ogadenia kusoo uruuriyay waxayna u dhaceen dagaaladan sidan soosocota.
Waxaa markay taariikhdu ahayd 28/9/2015 deegaanka Banyare layidhaahdo oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan weerar ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia CWXO kuqaadeen ciidanka wayaanaha oo halkaas ku sugnaa ayaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 29/9/15 Baraajisaale oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa kumaysiga ku dhex maray ayaa ciidanka cadawga lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhanka kale Arbacadii ooy taariikhdu ahayd 30/9/2015 meesha lagu magacaabo Burcadbuule oo Dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan dagaal aad u culus oo CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray ayaa ciidanka cadawga loogu dhigay cashir lama ilaawaan ah waxaana kudaba jiraa faah faahinta dagaalkaas hadii Alle idmo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay