Wadanka Raashiya ayaa iska fogeeyay eedaymaha ku saabsan in duqaymaha ay diyaaradaha cirka ee ruushku ka fuliyeen meelo kamid ah wadanka Suuriya ujeedkoodu ahaayeen bartilmaameedyo aan ISIS (Daacish) ahayn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Raashiya Sergei Lavrov ayaa suxufiyiinta ugu sheegay magaalada New York in wararka kusaabsan arinkan aysan ahayn mid xaqiiqda ka turjumaya oon sal iyo raad toona lahayn ujeedooyin siyaasadeedna looga dan leeyahay. Lavrov ayaa sidaas yidhi mar uu ka jawaabayay in qaar kamid ah duqaymaha ay diyaaradaha Dagaalka ee Ruushku duqeeyeen ku dhaceen dad shacab ah, wuxuu sheegay inuusan waxba ka ogayn arrintaas.

Lavrov, ayaa hadlayay kadib kullan uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry, oo sheegay in ciidamada labada dal ay maanta yeelan doonaan wada-hadallo ku saabsan sidii looga fogaan lahaa in labada dal ay isku dhacaan, inta ay weerarada ka gaysanayaan wadanka Suuriya.

Xogahayha Gaashaandhigga Maraykanka Ash Carter ayaa sheegay in duqaymihii Ruushku eey kagaysteen wadanka Suuriya ay ku dhaceen bartilmaameedyo aan ahayn Daacish.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay