Wadanka Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay heshiis qorshe wax looga qabanayo qaxootiga imanaya Qaarada Yurub, kuwaasoo in badan oo kamid ah ay xeebaha ku lee’daan.

Heshiiska ayaa Qaraada Yurub ay Wadanka Turkiga u balanqaaday miisaaniyad gaadhaysa balaayiin lacagta Yurub ee loo yaqaano Euro ah oo gargaar ah iyo in dadkeeda loo fududeeyo ogolaanshaha (Visa) ay ku soo galayaan waddamada Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa ku taageeray qorshaha lagu kordhinayo wadashaqaynta Yurub iyo Turkiga shir ay ku lahaayeen magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Gudiga Yurub Jean-Claude Juncker, ayaa sheegay in si cad loo sheegay xidhiidhka horumarka laga gaadho joojinta qaxootiga soo galaya Yurub iyo in la dadajiyo qorshaha dadka Turkiga loogu ogolaanayo Visa la’aan inay Midowga Yurub ku imaadaan.

Midowga Yurub ayaa qorshaynaysa inay siiso Turkiga saddex bilyan oo Euro oo gargaar ah oo loogu tala galay qaxootiga reer Suuriya ee imanaya Turkiga. Waxaa kaloo dib loo eegayaa qorshaha Turkiga uu ku doonayo inuu ku soo biiro Midowga Yurub.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay