Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qoraxay ee wadanka ogadenia ayaa sheegaya Tacadiyo isugu jira dil iyo xidhay oo loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsanin waxayna u dhaceen sidan:-

Intii u dhaxaysay 1-10/10/2015 Dagmada Marsin ee Gobolka Qoraxay waxay ciidanka wayaanuhu kawadeen fal dambiyeedyo ay dadka shacabka ah ugaysanayeen waxayna xabsiga dhigeen tiro aad u badan oo kamid ah shacabka kudhaqan Degmada Marsin iyo nawaaxigeeda, tirada iyo magacyada dadkan oo aad ubadan ayaan wali ku raad joognaa in aan soo tabino insha allaah.

Dhanka kale markay taariikhdu ahayd 10/10/15 Iskudhoonlay oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka
Qoraxay katirsan waxay ciidanka bahalka ah ee gumaysigu ku dileen Allaha u naxariistee Gabadh lagu magacaabi jiray Iqra Cabdulaahi Xuseen oo ahayd gabadh da’a yar waxayna ciidanka wayaanuhu kufsadeen gabadha kahor
inta ayna dilin, sidoo kale ciidanka cadawga ayaa horay u dilay aabaheed Cabdulaahi Xuseen iyo walaalkeed.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay