Illaa  20 diblomaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa tababar diblomaasiyadeed oo socday muddo 30 cisho ah waxaa loogu soo gaba-gabeeyay magalada New Delhi  ee dalka Hindiya.

Tababarkan ayaa  diblomaasiyiinta waxay ku barteen maadooyin kusaabsan arimaha diblomaasiyadda , siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, caafimaadka iyo Teknolojiyadda. Diblomaasiyiinta Somaalida ee tababarka ka qeybgalay ayaa  mahadcelin u jeediyay dowlada iyo Shacabka Hindia, waxayna sheegeen ineey fursada u siiyeen in dalkooda ay wax ku bartaan.

Mr. Anil Wadhwa, oo  ah Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Hindiya ayaa sheegay in xidhiidh qoto dheer leh uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Hindiya , wuxuuna sheegay Hindiya ay  garab taagantahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed diyaarna u tahay gudbinta waaya-aragnimada iyo aqoonta maamul.

Ms. Nengcha Lhouvum,  Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ( FSI) ayaa sheegtay in kooraska la siiyay diblomaasiyiinta Soomaalida uu ahaa mid heerkiisu sareeyo  oo lagu barayay xidhiidhka caalamiga, qaanuunka dowliga, horumarinta iyo dhammaan arrimaha casriga ah ee la xidhiidha diblomaasiyadda. Munasabada  ayaa waxaa diblomaasiyiinta lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay