Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Victoria wadanka Australia ayaa maanta ooy taariikhdu ahayd 18/10/2015 iskugu timid shirkeedii billaha ahaa kaasoo lagaga wada arinsaday wixii Jaaliyada uqabsoomay mudadii lasoo dhaafay. shirka waxaa furay Masuuliyiinta Jaaliyada   oo ajendaha shirka lawadaagay xubnihii shirka kasoo qaybgalay.

12107019_1652653188353024_7742815276095324515_n

Shirkan ayaa lagu qaadaa dhigay hawlihii Jaaliyada uqabsoomay taasoo ay kamid ahaayeen arimaha abaabulka Halganka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Jaaliyada iyo shacabka Somalida Ogadenya. Dhanka kale waxaa diirada lasaaray dardar galinta iyo kor uqaadista waxqabadka xubnaha Jaaliyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta kaga aadan halganka Somalida Ogadenya.

Waxaa madasha shirka laga soojeediyay afkaar iyo talooyin dhaxal gal ah oo uhorseedi karta kamidho dhalinta hirgalinta qorshe yaasha udajisan Jaaliyada. Maamulka iyo hawlwadeenada kala duwan ee Jaaliyada S.Ogadenya ee wadanka Australia ayaa muujiyay furfurnaan iyo waliba ineey jaaliyadu kutalaabsato tub qeexan oo lagu horumarin karo hawlaha halganka. Waxay dhamaan xubnihii shirkan kasoo qaybgalay hoosta kaxariiqeen xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga kadhexeeya Jaaliyada iyo shacabka S.Ogadenya ee kudhaqan wadanka Australia gaar ahaa Gobolka Victoria.

12140621_1652653185019691_2374968988129456116_n.jpgs12107019_1652653188353024_7742815276095324515_n

Waxaa kaloo lagaga hadlay kulankan caadiga ah ee Jaaliyada Hawshii Dhaqaalaha gurmadka oo si ku haboon loo maareeyay

Xubnihii jaaliyada ee shirka kasoo qaybgalay oo meelo kala duwan kasoo kicitimay ayaa dhamaantood  muujiyay ururnimo, iskaashi iyo niyad samaan aad uqiima badan. kulankan ayaa kusoo dhamaaday guul iyo isfahan aad usaraysa.

mintid,midnimo iyo iskutashi…….Allahu Akbar

ONA   Melbourne

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay