Shalay ooy taariikhdu ahayd 17/10/2015 Ururka OYSU faraciisa Norway ayaa kulan caadi iskugu yimid. Kulankan ayaa waxaa lagu qaada dhigay ajendayasha iyo arimaha guud ee wadanka Ogadeniya..

Ugu horayntii sida cadada ahayd waxaa lagu furay aayo quraan ah iyo is-xusuusin in Ilaahay laga Baqo. Waxaa warbixin kooban soo jeediyay Xoghaya OYSU-NORWAY Mudane CABDIQADIR KHALIF HILAWLE oo aad uga hadlay ahmiyada dhalinyarta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Qadiyada Ogadeniya una yihiin lafdhabarta Halganka Soomaalida Ogadeniya.

Waxaa kamid ahaa hadaladii Xoghayaha * Ummad kasta dhalinyarteeda iyo ardayda ayaa hormuud u noqda inay Aduunka kale gaadhsiiyaan Ujeedooyinkooda * waxaa kaloo xoghayuhu carababay  in loo baahan yahay la isku xidhnaando si loo gaadho ujeedooyinka Guud een leenahay.

Kulankan waxaa kaloo lagu soo bandhigay qorshayaal cusub oo hadii ay sida la rajaynayo ay u hirgalaan wax wayn kabadali doona hawlaha ururka ee wadanka Norway. Waxaana lagu balamay in lasii laba jibaaro wada shaqaynta ururka.. kulamo dheeraad ahna la isugu yimaado si loo hubiyo arimihii la isla qaatay iyo wixii ka fulay qorsheyaashii ururka uyiilay.

 Warfaafinta Jaaliyada Norway.

Mohamed

Oslo

Nor4

Nor3

Nor2

Nor1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay