1. Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa sheegaya ineey ciidanka wayaanaha ee wadanka Ogadenia jooga
    qabaa’ilka Somalida Ogadenia ku amreen ineey ciidan kasoo uruuriyaan dhamaan dagmoyinka wadanka.

Warkan ooy soo xaqiijisay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa tibaaxaya ineey ciidanka wayaanuhu odayasha qabiilada iyo maamul kusheegyada ku amreen ineey dhamaan wadanka Ogadenia kasoo uruuriyaan dhalinyaro ay ku darsadaan ciidamadooda ay ku adeegtaan.

Warkan ayaa intaas raacinaya ineey wayaanuhu amreen in dagmo kasta laga keeno 40 wiil oo ka ugu wayn da’diisu tahay 20 jir lamana garanayo sababta keentay xiligan iney ciidanka wayanuhu dalbadaan wiilal ay da’doodu aad u yaryahay waxaana lasheegayaa in looqaadayo galbeed si ay danahooda ugu  fushadaan Gumaysigu.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay