Wararka aan kahelayno Gobolada Shabeelle, Jarar, Faafan iyo Nogob ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan ooy ciidanka Gumaysiga Itoobiya ugaysteen dad shacab ah oo aad u badan waxayna u dhaceen sidan soosocota.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 1/10/2015 deegaanka Higlaale-Biir oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan uu ciidanka cadawgu xidhay iyo jidhdil isugu dareen gabadha lagu magacaabo Nimco Sheekh Cabdi Qoorleex.

Sidoo kale 9/10/2015 Tuulada Garigo’an oo dagmada Garbo katirsan waxay ciidanka gumaysigu xidhay iyo jidh dil ugu gaysteen dadka kala ah:-
1 anbiya cabdi khaliif
2 faadumo maxamad aadan
3 carab askar dhalbaas oo 80 jir ah.

Warkan ayaa intaas kudaraya in markay tariikhdu ku beegnayd 10/10/2015 dagmada Birqod ee Gobolka Jarar waxay ciidanka cadawgu ku xidixidheen dadka kala ah:-
1 cabdiwahaab ow muxumad oo 80 jir ah
2 bashiir sheekh nuur
3 cabdulaahi cabdi aadan
4 cabdi maxamad bare
5 maryama xuseen faarax
6 sacdiya cabdi axmad
7 shugri cabdi dayl
8 faadumo yuusuf xuseen
9 daahir ow cabdulaahi ibraahim
10 abdi kadiye xuseen.

Dhanka kale 11/10/15 Magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen 33 oday oo kamid ah odayaasha beelaha waxaana lagu eedeeyay ineey taageereen guruubkii ina ilay kasoo Horjeeday ee cabdulaahi Itoobiya uu kamidka ahaa.

 

ONA/Ogadenya

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay