Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa in Arbacada soo socota uu ka qaybgalo shir kadhici doona magaalada Brussels ee dalka Belgium kaasoo ay si wadajir ah u qabanqaabinayaan Hay’adda Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo Midowga Yurub oo iskaashanaya.

Waxaa kulanka looga hadli doonaa sidii loo dardargelin lahaa taageerada la siinayo mashruuca ay waddo Haya’dda Qaramada Midoobay ee qaabilsan dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku sugan gobolka.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeyb-galaya Madaxa UNHCR António Guterres, Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, Federica Mogherini iyo Guddoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta Neven Mimica iyo Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya Amina Mohammed iyo wakiillo kasocda Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Yemen.

Waxay isla dajinayaan qorshe lagu taageerayo qaxootiga Soomaalida ee ku laabanaya dalkooda hooyo iyo horumarinta adeegyada bulshada deegaannada ay dadku ku noqonayaan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay