Gabay kastaa ujeedo ayuu leeyahay xaaladna wuu ku yimaadaa. Way sahalan tahay in qofku iskiis sugaan u sameeyo ama degaanka ha ka sameeyo ama marxaladahiisa nolaleed ha ka sameeyo ee laakiin in qofkale sugaan laga sameeyo ama loo sameeyo waxaad moodaa inay ka miisaan culus tahay mida aad deegaanka iyo noolaha kale ka alifto. Inaad maskaxdaada gubto ood shaqsi laga yaabo inaadan aqoon dheer u lahan aad gabay, geeraar, hees, buraanbur iyo wixii la mid ah ka samayso wax la dhayalsan karo ma aha, waana waxa u baahan in lays weydiiyo sababta keeni karta.

In qof gabay amaan ah laga tiriyo waa qiimayn wayn. Mida kale waxaa hubaal ah in shaqsiga la amaanayaa uu la yimid ama sameeyey wax lagu amaano waayo bilaash qofna kuma mutaysan karo amaan aanu u qalmin. Hadaba sida aad gabaygan ka dhadhansan doontaan, bishaaro waxay la timid wax lagu amaano ficil ahaan iyo shaqsi ahaanba.

Marka maxaa igu kalifay gabaygan aan ugu wanqalay “Baafiyoo wariya”? runtii gabaygan farxad baa iga keentey iyo rayrayn. Waxaan ku farxay xoriyada shaqsiyeed ee ay bishaaro heshay iyo weliba sida fikirkeedii ay horeyba u aaminsanayd ugu dhagantahay. Aqoon dheer isuma lihin aniga bishaaro laakiin waxan wada aaminsanahay haadaf kaliya oo ah in dadkayagu madax banaani ka helaan gumeysiga madow dariiq kasta ha ku timaadee. Midkaayaba dhinac buu halganka kaga jirey walow dhibkii iyo xadhiggii arxan darada lahaa ay bishaaro soo martey aanan marin.

Xaqiiqdii halganka bishaaro waxaa ka soo gaadhay dhawacyo isugu jira mid jidheed iyo mid damiireedba (Physical and psychological suffering), hase yeeshee waxaas oo dhami ma niyad jabinin, hadafkeediina kama luminin. Waxaan ka warqabnaa in rag iyo dumar badan oo gacanta cadowga galay sida Bishaaro oo kale ay fikirkooddii ka tanaasuleen sababtoo ah dhibka dadku way ku kala hadhaan. Sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan cadowga iyo dhidid dhowrka u sheego in weli Bishaaro fiican tahay halgankiina ku jirto, dagaalkeeddiina hada kow yahay.

Waxaan go’aansaday oo kale inaan xuso kaalinta ay Bishaaro halganka kaga jirto iyo in taariikhdu xusuusan doonto weligeed.

Waxaa kale oon rabaa inaan Bishaaro u sheego inay qiimo weyn bulshada reer Ogadeniya ku dhex leedahay iyo weliba inaan ka wada dharagsanahay kaalintey halganka ka qaadatey sida daacadnimadeeda, kalsoonideeda, geesinimadeeda iyo niyad wanaageeda. Gabaygiina waa ka nee ila akhrista. Ogow: mardhow isaga oo cod ah ama maqal iyo muuqaal ah filo insha allah.

Pacific jahladiyahii fadhiyey amase portland

Bahdi jowxo oo wada jirtaa baaq ka soo diriye

Indhihii bukaan qabay hadeer haba bikaaceene

Bakhti fuuladdii iyo baqale haba baroorteene

Biidhiga kuwii qaadan jirey ha is bireeyeene

Baqalyadii naloo soo direy ee shacabka boobaysay

Ee diinta baal maray ilmada ha isku biirsheene

In bishaaro ay timid arlada oo baaqi tahay caawaa

Baladkii Minneapolis inay nagula bashaali

Oo ay bidhaan quruxsan tahay baafiyo wariya

Mar haddii qalbigu uu badqabo boogta waay dhayane

Mar dhowna way ka baansami wixii baase soo mareye

Bulsho jecel inay haysatana baafiyo wariya

Bashaay hawsha kaga adanayd mayna baylihine

Bir lab weeye aan liicin iyo biixi aan jabine

Bilad dahab ah bay mudan tihiyo buriyo dheeraade

Taariikhdeedu bayjkay gashaan baabayan abide

In buugaagta lagu daabicina baafiyo wariya

barraddiisi ruux laga qabsaday oo booski laga xoogay

farxad uma banaaniyo dhib yari inu bariistaaye

birmad culus inay soo wadana baafiyo wariya

markii bohosha lays galinayee la isbakhtiinaayey

xaqiiqada markii laga baqay ee laga banjoogtoobay

ee boqolayaashii indhaha badhax ka sii daayey

ee hebalo ay booyayeen siddii dhalaan baahan

ma bariiqanine waa yadii diiday bootada’e

waatay illaah beegsatiyo boqorki waynaaye

dabadeed ban ay tidhi midkii ugu bogweynaaye

Beer nugayl inaan laga heleyn baafiyoo wariya

Kuwii baala waynow kitaab baabacada saarey

Ee intey bilaahida mareen buriyey dhaartoo

Ee buuryo dheerow kufriga daba bashlaynaaya

Xaydh iyo baruur jecelayaal laba boglaynaaya

Bahbah iyo warmooyee horaba biid ma tarahayne

Baskiise kama hadhin ina wacdi ee way babac ordaysaaye

Siddii ay dagaal ugu baxday ee boobaha u qaaday

Booshkii ma ay dhigin waqeed amase baagiiye

Buntukhii inay weli wadana baafiyo wariya

kii bari waxyeeliyo midkii buus ku yidhi maalin

midna inaan la bixineyn iyana baafiyo wariya

boolida kuwaa quudan ee bararay ee naaxay

ee uurta baaldiga leh bay balo u talaaye

booshaddii inay soo mantagi baafiyo wariya

bidde uuska buuxsaday caqligu wuu ka bidayaaye

buunshaha intuu dhuuqi waa hayska bayraqa’e

ama dibi bal loo dhigay siddii how bunaaxiyo

intase buruski jwxaad dhakada lagu bashaakhaayo

ee baar cadii iman jigjigga hays bukuriyeene

inse booca soodh lagaga goyn baafiyo wariya

gumaysiga baqoolaha ku yimid badanka ciideena

ilaa uu bustaha laabto oo baygagoo cararo

ama boodhka loo daro afkoo ciida lagu beego

baasuukaha inaan laga dhimayn baafiyo waraiya

Xaq iyo baadil way kala bixiye baafiyo wariya

Ummaddii la baabi’yey ee bahalka loo loogay

Baahida kuwii loo dilee bagada loo laayey

Inaan lagu badbaadayn Iyana baafiyo wariya

Wixii been la dhoodhoobay ee uunka lagu baahshay

In banaanka ay iman hadeer baafiyo wariya

Kuwii balaqa loo tuuri jirey hoog allaa badaye

Dhiigay banaysteen hadaa laga badayaaye

Bilaawuhu inuu saran yahay baafiyo wariya

Basarkii kuwaas laga lunshee dhaqanki biireeyey

Garashaddi kuwaa laga banaday lagu dhadhadhaayey

Ee biirta quudkoodu yahay buurigiyo qiiqa

Birma geeyadii iyo kuwaa bilista dooxaaya

Birigaanku goortuu ku dhaco ayey baraagugiye

Ba’ayeey inay guri in badan baafiyo wariya

Balan qabe ma waansamo markay bixiso haysaaye

Sikastoo bayaan loogu diro uma bogaayaane

Magacood ha ba’o ee iblays barale weeyaane

Barni gabadh ah oo wacan hadaad baydka ugu gayso

oo aad bariis iyo lagiyo badhi ku sooryayso

iney balaxsadaan haw fadhiyin una buseelaane

Beyd iyo waxaan cayn ahayn kuma billaadaane

Oo waxay u boholyoobayaan balaglayaashiiye

Boqomada in tiir lagaga xidhi baafiyo wariya

 

Bidhikaalayaal baa illaah baday dadkeeniiye

Oday boosh cada ah iyo caruur amase beel daaje

Marwo bilic leh sheikh diinta bara baaniyaal lacag leh

Burush xaar leh bay wada marsheen wayna bi’iyeene

Booraamay jigjigga uga qodeen lagu bukhuurshaaye

Bahdil inaanse lagu waarahayn baa bilaahiya’e

In bandiirad loo sudhi dhakhsaba baafiyo wariya

Nimankii bidcoobay ee sharciga geesta uga booday

Nimankii hubkooddii balaqay ee bixiyey ee loogay

Ee Tigreega baarada leh iyo baadhatada siiyey

Dastuur baybal(bible) laga soo xigtey oo boob xalaaleeyey

Nimankii ku banaayey ee weliba buunbuushay

bogaadimaha Nimaknkii u direy tan iyo BBC

Beesada kuwii doortey iyo badar la miisaami

Gadh badeelayaashii haduu ba’ay warkoodiiye

Wax badsigay u aadeen maqale yaa wax beel dhalaye

barakaysta duulkay dheheen baa haatan baacsaniye

hadaa duurka laga baadhayaa sidi baraarkiiye

Baxsadkoodi waa kaa hadeer dhaafay baydhaba’e

Iyagoo busaaraysan oo binina aan haysan

Oo baysa dhabanaaya oo boorso madhan jiidi

Oo bayuuri soo raacday bay balow yidhaahdeene

Bardheere inay soo galeen baafiyo wariya

Bidaar xume Zanewiba wuxuu biirsaduu heleye

Bishimaha wuxuu taago oo maxasta baadaaba

Wixii uu is baaxuuriyey ee xoog isbidey waayo

Ee baawar(power) uu sheegan jirey waa barkuma taale

jahannama in bays looga tumi oo uu balanbal ooyaayoo

oo uu balalka naareed ku jiro baafiyo wariya

Shiinahan indhaha bidhiqsan ee bari ka soo rooray

Baabuurta nimankaa watee booyadaha jiidi

Boqno yare shidaalkeeni buu beecinahayaaye

Intase uu barbaarkii lahaa dunidan uu buuxo

In bilaale aan laga dareyn baafiyo wariya

Barbara iyo jabuutiyo bakiin amase boosaaso

Baraagaha waxaa loo sibdhini ee loo binaynaayo

Birqod gaaska jiifey rabaan inay ka buuxshaane

Baqdhuusyadu ma ay oga waxay baxar galayaane

Waa badow hunguri jiidi oon baabna garabayne

Intase dirici baatroolka laa badhi duleel haysto

Ee bulaaliyo fadhiyo godanka baareeya

Bukundhabo ninkii ugu yimaad boor ayey galine

Dhulkan eebe nagu beerey ee nagu bulaaleeyey

Banaankaa qofkii aan ka marin baydaraa cuniye

Bidhiq iyo inuu danab ku dhici baafiyo waraiya

dadkan jeel ogaadeen baraxan ee meesha lagu beegay

ee bacadka lagu ooday ee bixida loo diiday

siddii timir bakhaar taal dadkaa loo bidhbidhanaayo

bahal aan naxayn iyo dadkaa boontu fadhanayso

idinkoo bilaad aan ka jirin oo bowdka wada taagan

bidhaantooda inad dhowrataan waa baraad li’e

Xooluhuba meeshii bushi leh bari ma joogaane

baalcadiyo Haddii dhuugu cuno way ku balaloone

Bi’i waaya ee goob xun waa laga barmoosaaye

oo Waa laga balfaa xaajadaan kugu banaanayne

Is biimeeya geerida kolaba baajin maysaane

 

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay