Tartanka cayaaraha ee ka socda wadanka K/Afrika ayaa galay wareegyadii ugu dambeeyey,waxaana xalay fooda isdaray xulalka Ogadenya iyo Soomaaliya.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayna isku haleeleen laba kooxood oo walaalo ah ayaa ku dhamaatay markii hore  0-0 waxaana labada kooxood loo dhigay gool kulaad(Rikoodhooyin)ay xulka Ogadenya ku badiyeen 4-0.

Ciyaartan oo ahayd mid ka duwan kuwii hore aadna xamaasad ulahayd ayay xulka Ogadenya kamid noqdeen afarta kooxood ee iskugu soo hadhay Semi Final ka waxayna ku hanweyn yihiin inay koobka sanadkan hantiyaan.

Taageerayaasha xulka Ogadenya oo soo buux dhaafiyey garoonka ay ciyaartu ka socotay ee magaalada Port Elizapeth ayaa damaashaad ugu dhaqaaqay magaalada markay badiyeen waxayna lulayeen calanka Ogadenya iyagoo ku dhawaaqayay halkudhigyo muujinayay taageerada iyo farxada ay u hayaan xulka Ogadenya.

HALKAN KA DAAWO WACDARAHA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay