Shirka Madasha wada tashiga qaran ee hanaanka doorashooyinka  Soomaliya eesanadka 2016 ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda,  maamul goboleedyada, baarlamaanka federaalka, beesha Caalamka iyo ururada bulshada.

Shirkan oo socon doona labo maalmood ayaa ujeedadiisa tahay sidii looga tashan lahaa marxalada kala guurka ee dalku galayo iyo is bedelka dhici doona sanadka 2016  iyo nooca  doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxda maamul goboleedyada iyo wafuud kale ayaa gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka wada tashiga, iyadoo ammaanka uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ujeedada shirka ay tahay sidii looga tashan lahaa hiigsiga sanadka 2016.

Wuxuu  sheegay in umada Soomaaliyeed ay ka tashan doonto qaabka doorasho ee dalka ka dhici karta, maadaama dalka aysan ka dhici karin doorasho qof  iyo cod, wuxuuna intaas raaciyay in wada tashiyadan ay noqon doonaan kuwo mira dhal ah.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay