7Warar hor dhac ah oo soo gaadhay warbaahinta ONA ayaa tibaaxaya in magaalada Godey la isgu keenay dhammaan wiixii gumaysiga wakiilka uga ahaan jiray Ogadenya mid hore mid hada joogaba ,sidoo kale waxaa iyana la keenay magaalada Godey wixii ciidamada Itoobiya hogaamin jiray oo retirement lagu siiyay dhibka ay  Ogadenya ka gaysteen iyo Hawaarinta saraakiishooda.

Tiro boqol
kor u dhaafaysa oo isugu jirta noocyadaas madiidinka u ah gumaysiga iyo saraakiisshii gumaadka ka gaysatay Ogadenya ayaa loogu yeedhay sida wararku nagu soo gaadhayaan si loogu abaal mariyo dhibaatooyinka ay u gaysteen shacabka Ogadenya iyo sida daacada ah ee ay ugu adeegeen EPRDF,waxaana halkaas lagu gudoonsiiyey min shan Hektar oo dhul ah iyo hal cagaf.
War10ar kale oo kasoo baxaya odayaasha iyo waxgaradka magaalada Godey ayaa sheegaya ujeedada rasmiga ah ee la isugu
yeedhay gumaysi kalkaalkaas iyo saraakiishaas tirada badan inay tahay gogol xaadh loo samaynayo sidii dhulkan barwaqada beeraha iyo macdantu ceegaagto loosoo dajin lahaa Itoobiyaan laga keenayo buuralayda waxaana hordhac looga sii dhigay oo ay kusoo hiranayaan saraakiishan faraha badan ee dhiiga shacabka Ogadenya lagu abaal mariyey iyo damiir-laawayaasha dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay shacabka Ogadenya u qoor xidhay gumaysiga dad cunka ah.

ONA/Ogadenya

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay