Shirka ay sanadkiiba mar dawlada Norway qabto ayaa ujeedadiisu waxay tahay sidii ay dawlada iyo dadyawga kusoo haajiray Norway uga wada hadli lahayeen arimaha ugu mihiimsan ee xiligaas taagan waxaana shirka kasoo qayb gashay Raiysulwasaraha Norway- Erna Solberg(H) iyo Madaxda kale ee Wadanka sida

 1: Wasarada Caruurta,Sinaanta iyo Isdhexgalka           Solveig Horne (FrP)
2.Wasaarda  Dawladaha hoose iyo Casriyaynta             Tore Sanner (H)
3. Wasaarada Dhaqanka                                                    Thorhild Widvey (H)
4.Wasaarada Warshadaha                                                 Monica Mæland (H)
5.Wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada                 Robert Eriksson (FrP)

 Wafti balaadhan oo kasocday Jaaliyada Somalida Ogadenya ee dalka Norway oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Khaliif Cabdi Cali ayaa shirkan si rasmi ah uga qaybgalay. Waftigii Jaaliyada ayaa si wayn uga qaybqaadatay doodihii iyo afkaartii kala duwanaa ee madasha shirka lagu qabtay kasocday.

Jaaliyada ayaa kor u qaaday sidii ay u dhexgali lahayd  bulshooyinka kaleduwan ee wadanka ku dhaqan iyo waliba mujtamaca Norway. Arimihii ay waftiga jaaliyadu aadka uga hadleen waxaa kamid ahaa arinta qaxoootiga iyo isdhexgalka iyo sidii loo dajin-lahaa dadka xeryaha kujira mudada dheer, kuwa kalena arimohooda sida ugu dhakhsaha badan loogu dhamayn lahaa.

Waxaa kaloo waftigii jaaliyadu tooshka ku iftiimiyeen sababta ay dadkani wadamadoodii uga soo qaxeen iyo doorka dawlada Norway ay ka qaadan karto in kaligii talisnimada iyo gumaysiga dadkan soo baraciyay xal loohelo.

Arimo badan ayaa laysku afgartay isla markaana qorsheyaal ku haboon laysku raacay.  Shirkan ayaa kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan oo dhamaan ajendeyaashii loosoo agaasimay oo idil sidii loogu talogalay loo fuliyay.

Xafiiska Warfaafinta Jaaliyada Norway.

ONA/Norway

10

9

8

7

6

5

4

3

 

1

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay