Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in ciidankii Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyada ee Xisbiga Axmaarada ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (ANDM)  oo kaqayb qaatay riditaankii taliskii Mingiste Xaylemaryam ay wadooyinka magaalada Addis Ababa dawarsanayaan.

Xisbiga Axmaarada oo kamid ah isbahaysiga magac uyaalka ah ee layidhaahdo EPRDF ayaa ciimadiisii oo kamid ahaa jabhadii doorka wayn kaqaadatay riditaankii taliskii hore ee Gumaysiga Itoobiya. Askartan ooy ahayd maanta ineey kamid ahaadaan saraakiisha ku naaxday dhiiga iyo dhaqaalaha shacabka Itoobiya ayaa ka dawarsada wadooyinka Addis Ababa kadib markii loo diiday ineey wax shaqo ah wadanka kaqabtaan.

Qawmiyada Axmaarada ayaa aaminsan ineey iyagu waxa loogu yeedho maanta Itoobiya ay leeyihiin qawmiyadaha kalana kaxigsada, sidaas ooy tahay ayeey askartoodii faqri iyo gaajo lasoo daristay iyaga iyo qoysaskoodii awgeed ay u dhaqaaqeen dawarsi.

Dhanka kale maxaysatada uu Gumaysigu soo aruursaday ee loo yaqaano Hawaarin (Liyu Police) oo wakhtigoodii gabaabsi yahay kadib markii lagu fushaday dantii markii horaba laga lahaa ayeey khatar taas axmaarada kudhacday soo foodsaartay. Waxaase iswaydiin mudan oon akhristeyaasha  ONA ee sharafta leh jawaateeda uga tagaynaa, Mar hadii sidaas ay ku dambeeyeen askartii ANDM ma idin latahay in Hawaarinta Ogadenya Gumaysigu u samaystay looga roonaan doono?

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay