Wajiga 2aad – ee shirka ujeedadiisu wuxuux ahaa in aqoonyahanka, qurb-joogta iyo urur-bulsheedyadu ay hadda ka dib xal ka gaadhidda meertooyinka colaadeed ee hadheeyey Geeska Afrika ku yeeshaan door lixaadleh isla markaana noqdaan kuwo ay dawladda Maraykanku si toos ah uga qaadato tilmaamaha, tusaalaynta iyo talooyinka ku salaysan aragtida tacliimiga ah ee tiirka u noqon doonta go’aamada ay beesha caalamku ka gaadhi doonto axwaasha Geeska Afrika.

Qaybtan ayaa waxaa shir guddoon ka ahaa majarahana u hayey Mudane Faysal Rooble iyo Dr Maxamuud Ugaas oo labaduba ka tirsan bahda IHASA, qaybteeda cilmi-baadhista. Ahmiyadda kale ee laga lahaa qaybtan ayaa ahayd inay ururada iyo akadeemiyadu ay faafreeb-cilmiyeysan ku yeeshaan daraasaad qayb ka ahaa mawduuca guud ee shirka loogu wanqalay “ meertooyinka colaadeed ee Geeska Afrika & xal u raadintooda”.

Mudane Faysal oo shir-guddoonka wajigan ahaa ayaa gundhig qaybtan uga dhigay weedha ah “ Daraasaadka cilmiyeysan ee codka qurbaha iyo xarumaha akadeemiyaadku waa inay saldhig iyo halbeeg u noqdaan miiska go’aan ka gaadhidda arimaha Geeska Afrika.”.
Dr Maxamuud Ugaas oo ka mid ah naadiga daraasaadka machadka IHASA hawlo kala duwanna ka soo kala qabtay Geeska Afrika, ururo kala duwanna ka soo shaqeeyey ayaa la guddoonsiiyey inuu daraasaadkan inta aan la gudbin ku smeeyo dib u eegid iyo kabid.

Mas’uulka xarunta (Wilson’s Woodrow international center for scholars) ayaa madasha shirka ka xusay aadna ugu fogaaday hiraalka & himilada machadka IHASA, kuna tilmaamay machad ku dayasho mudan. Isaga oo hadalkiisa sii watana ku yidhi ururadii qaybta ka ahaa kalfadhigan “ IHASA waxay tusaale u tahay machad-cilmiyeedyada ay dawladda Maraykanku ka qaadan doonto tilmaamaha, waxaaanan ku bogaadinayaa daraasaadka ay dhawaan daabaceen”.

Shir cilmiyeedkan muddada todobaadka ah ka socday caasimadda dalka Mareykanka ee uu machadka IHASA qaybta wayn ku lahaa ayaa wuxuu dhanka kale ku soo beegmayaa daahfurka iyo suuq-gaynta buuggii 1aad ee uu machadku soo saaray ee cinwaankiisu “Dib u milicsi taariikheed & odoros mustaqbaleed- Ogadenia iyo qarnigan –( Looking Back and Looking Forward: The Somali Region (the Ogaden) in the 21st Century )-

Dhanka kale wafdiga IHASA ayaa kulamo joogto la qaatay hawl-wadeenada ugu sareeya dalkan Mareykanka ee ay ugu horeeyaan xildhibaanada aqalka sharci dajinta, guddi-hoosaadka arimaha Afrika u qaabilsan maamulka Obama, mas’uuliinta Wasaaradda Arimaha Dibadda u qaablsan Geeska Afrika, guddi hoosaadka arimaha dibadda u qaabilsan mamaulka Obama, xubnaha cilmi-baadhista u qaabilsan aqalka sharci dajinta (Library ofUS Congressional research) iyo hawl-wadeeno kale.
Nuxurka kulamadaa ayaa ku salaysnaa arimaha ay ugu horeeyaan:_

1- Kormeeridda daynta & deeqda maamulka Obama uu siiyo dawladaha Geeska Afrika iyo oofinta shuruudaha ku tacaluqa deeqahaas. Iyada oo uu machadka IHASA soo bandhigay tacaddiyaad insaaniga ah oo loo isicmaalay kalamooyinkaas.

2- Boobka khayraadka dabiiciga ah ee qawmiyaadka ku dulman Geeska Afrika ka soo gaadha dawladda Shiinaha. Wafdiga machadka IHASA ayaa soo bandhigay warbixno iyo sawiro muujinaya barakac lixaad leh oo bulshada Ogadenia ka soo gaadhay iskaashiga dulmiga ku salaysan ee dhawaan dawladda Shiinaha & xukuumadda Itoobiya ay ku kala saxeexdeen ee ku salaysan saliidda gobolka iyada oo ay labada dawladoodba iska indho-tireen khilaafka aasaasiga ah ee gobolka ka aloosan. Machadku wuxuu ugu baaqay maamulka Mareykanka inay kaalin muuqata ka gaystaan arinkaas.

Gabagabadii kalfadhigan ayaa waxay wafdiga machadka IHASA martiqaad ka heleen laanta af-soomaaliga ee codka Voice of Amerika oo ka dalbatay inay marti-sharaf ka noqdaan xarunta idaacadan isla markaana ay bulsho-waynta Soomaaliyeed la wadaagaan talooyinka iyo afkaarta ku aaddan xalinta khilaafaadka sidii ay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee sanadahan ay aafadu ku habsatay uga faa’iidaysato macluumaadka akadeemiga ah ee ay IHASA ku so bandhigtay xarumaha daraasaadka iyo istaraatiijiyaadka caalamiga ah. Sidaa darted saddex xubnood oo ka mid ahaa wafdigii machadka IHASA ayaa maalinnimadii Jimcaha ka qayb qaatay barnaamij ay VOA-du ugu magac dartay Xalinta Khilaafaadka.

Machadka IHASA ayaa muddadii todobaadka ahayd ee uu caasimadda Mareykanka shirka u joogay nasiib u yeeshay inay buuggoodii dhawaan la daabacay gaadhsiiyaan inta badan xarumaha akadeemiyaadka, kuliyadaha tacliimiga ah, hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha, taxaalufka caalamiga ah ee nabad-abuurka iyo in badan oo ka mid ah madaxda dalkan Mareykanka. Waxaa intaa dheeraa inay khuburo ka tirsan jaamacadaha George Washngton ay madasha lagu guddoonsiiyey buugga uu dhawaan machadku soo saaray.

Gabagabo:_ Machadka IHASA oo lixdii sano ee u danbaysay si joogto ah socdaalo hawleed ku imanayey caasimadda dalka Mareykanka ee Washington DC, xidhiidho dadban iyo kuwa toosan-na la soo qaatay mas’uuliinta ugu sareeya dalkan, bah-wadaag hawleed iyo dan-wadaag afkaareedna la yeeshay hay’aadka xalinta khilaafaadka dunida ayaa manta wuxuu si rasmi ah ugu biiray kalfadhi-cilmeedyo xajmi waynna la qabtaa xarumaha akadeemiyada kuwooda ugu magic iyo miisaanka wayn dalkan Mareykanka. Machadka ayaa durba gudo-galay qabanqaabada iyo hirgalinta daabicidda bug-cilmiyeedkoodii labaad sidaa darted IHASA waxay waxgaradka iyo aqoonleyda Geeska Afrika ugu baaqaysaa ka qayb qaadashada daraasaadka iyo aqoon-faagista looga gol leeyahay xal u helidda mashaakilaadka arimaha mururgsan ee Geeska Afrika.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. hassan says:

    you done very good jab jazaakumulahu khayran

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay