Waxaa saaka ka furmay magaalo madaxda dalka Norway ee Oslo shir balaadhan oo lagu yagleeli doono Isbahaysi cusub oo loogu magac daray ” Isbahaysiga Shacabka ee Xornimada & Dimuqraadiyada (PAFD)”.
Waxaa kasoo qaybgalay shirkan masuuliin sare oo ururadan kasocota, ururada bulshada ee jaaliyadaha ay ururadan matalaan sida OYSU, ururka haweenka Ogadenya ee UHO, marti sharaf caalami ah iyo wufuud kala duwan oo matalaya shanta urur ee isbahaysigan ku midoobay kuwaasoo kala ah :

1-Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (ONLF)

2-Jabhada Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Shacabka Gambeela (GPLM)

3-Jabhada Xoraynta Oromiya (OLF)

4-Jabhada Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Shacabka Benshagul (BPLM)

5-Jabhada Wadaniga Xoraynta Sidama (SNLF).

Masuuliinta matalaysa ururadan ayaa ergooyinka caalamiga ah ee kulankan kasoo qaybgalay la wadaagi doona arimo badan oo kusaabsan isbahaysigan iyo barnaamijka siyaasadeed ee isbahaysigan uu kusocon doono.
Ujeedada ugu wayn ee isbahaysigan loo yagleelay ayaa ah sidii la iskaga kaashan lahaa isla markaana loo dhisi lahaa  barnaamij midaysan oo lagaga hortagayo lagagana xoroobayo siyaasada guracan ee Gumaysiga Itoobiya.

Faah faahinta shirkan saaka uga furmay isbihaysigan PAFD magaalada Oslo oo socon doona mudo sadex maalmood ah ayaad kala socon doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yidhaahdo.
ONA/Oslo

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

 

 

osl1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay