Waxaa magaalada Brussels ee dalka Belgium lagu qabtay shir dhaqaale loogu yaboohayo caawimada Qaxootiga Soomaalida ee daneynayna ineey iskood dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Raysul Wasaraha Somaliya Mudane Cumar Cabdirashiid, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Maj. General Joseph Ole Nkaissery, Wakiilka Sare ee Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyasadda Amniga Federica Mogherini iyo Madaxa Hay’adda UNHCR Antonio Guterres ayaa furay shirka, oo la doonayo in lagu helo caawimaad caalami ah oo dheeraad ah oo lagu abuurayo jawi dardargelin kara dib u noqosho ikhtiyaari ah ooy sameeyaan Qaxootiga Somalida iyo Horumarinta Ammaanka iyo adeegyada dadweynaha deegaannada ay qaxootiga ku noqonayaan.

Wufuud ka badan 40 dal iyo ururro ayaa shirka diiradda ku saari doona sidii dhaqaale xooggan loogu heli lahaa mashruucan. War qoraal ah oo ka soo baxay UNHCR ayaa lagu sheegay in qorshe howleedka ugu horreeya u baahan yahay lacag dhan 500 oo milyan oo doollar, kaas oo socon doona labo sano tan iyo laga gaarayo dhammaadka 2017.

Guterres ayaa sheegay in loo baahan in la maalgaliyo Soomaaliya si qaar kamid ah qaxootiga ku xanniban xeryaha qaxootiga ay dib ugu laaban karaan dalkooda, ugana qeybqaadan karaan dib u dhiska dalka. UNHCR iyo hay’adaha kale ayaa ka caawiyay 5,300 qaxooti Soomaali ah ineey si ikhtiyaari ah ugu laabtaan Soomaaliya tan iyo December 2014. In ka badan labo milyan oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku barakacsan gobolka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay