Waxaa Shir muhiim ah isugu yimid Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somaalida Ogaadeeniya (OYSU) ee ku dhaqan gobolka Alberta ee dalka Canada kaasoo lagu qabtay xarunta ay ku leedahay Jaaliyadu magaalada Edmonton. Kulankan ayaa aad loogu falanqeeyeen doorka ay bulshada ku dhex leeyihiin iyo sidii ay u yagleeli lahaayeen faraca OYSU ee gobolka Alberta.

Waxaa shirka kasoo qayb galay isuduwaha jaaliyadaha Canada, maamulka Jaaliyada Edmonton, ururka Haweenka Ogaadeeniya ee gobolka Alberta ( UHO) iyo aqoonyahano aad ugu xeeldheer arimaha xuquuqul insaanka. Waxaa khudbad aad u qiimo badan halkaa kasoo jeediyey isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane C/xakiim Maxamed Wali ,sidoo kale waxaa warbixin iyo dhiirigalin madashii shirka kasoo jeediyay aqoonyahanada Somaalida Ogaadeeniya ee ku xeeldheer arimaha xuquuqul insaanka ee kala ah Mudane Dr. Maxamuud Ugaas iyo Mudane Axmed Yasiin Jaamac Qaasim .

Waxaa Lagu soo dhaweeyey gabadh kamid ahayd ururka OYSU Raxmo Axmed Jaale oo runtii khibrad weyn u lahayd ururka OYSU sharaxaad dheerna kabixisay aas aaskii ururka iyo muhiimada loo aasaasay iyo barnaamijka horyaala dhamaan ardayda iyo dhalinyarada ogaadeeniya ee kunool aduunka oo la doonayo faracan maanta dhidibada loo aasayo inuu wax laqaybsado kuna soo kordhiyo waxqabad bulshada Ogadeniya ee ku dhaqan gobolka Alberta.

Sidoo kale waxaa halkaa gubaabo kasoo jeediyay tafatiraha wargeyska madaxa banaan ee Ogadentoday Maxamed Khadar (qudur) oo tilmaamay in dhalinyardu yihiin mustaqbalkii barito loona baahanyahay ineey kaqayb qaataan abaabulka, waxbarashada , wacyigelinta bulshada, barashada hidaha iyo dhaqanka iyo in aydaan isku iloobin bulshadan aad kudhex nooshihiin ood goor walba xusuuusnaataan meesha aad ka soo jeedaan in ayna lahayn haba yaraatee waxa aad haysataan idiina baahan yihiin inaad kaqayb qaadataan sidii caruurta reer Ogadeeniya u heli lahaayeen waxbarasho iyo nolol.

Dhanka kale waxaa labilaabay doorashadii ururka OYSU faraca Alberta waxaana Xoghaye loogu doortay madashii shirka mudane Eng: Mustafa Diirane oo ah aqoonyahan da’yar horeyna uga soo shaqeeyey waqtigii uu ku sugnaa wadanka ingiriiska , wuxuuna soo dhamaystiri doonaa xubnihii lashaqayn lahaa, waxayna xubnihii meesha isugu yimid ilaahay uga baryeen inuu u sahlo xilkan uu umada u qaaday una fududeeyo hawshan balaadhan ee horyaala.

ONA/Edmonton-Canada

Alb6

Alb5

Alb4

Alb3

Alb2

Alb1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay