Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay ayaa
sheegaya in shuban biyood uu ka dilaacay dagmada,kadib markay ciidanka
gumaysigu burburiyeen ceelkii riiga ahaa ee magaaladu ay kacabi
jirtay.
Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta
Ogadenia JWXO iyo dad ku sugan magaalada Shilaabo ayaa tilmaamaya in ay dadku cabeen biyo aan nadiif ahayn oo ay kasoo dhaansadeen moolo kale kadib markii laga burburiyay ceelkii waynaa ee shilaabo oo ay magaaladu kudaganayd mudada dheer,waxaana laga dayrinayaa xaalada dadka uu xanuunku kudhacay mana jiro wax daryeel caafimaad oo ay helikaraan dadka shacabka ah ee ku dhaqan
dagmada Shilaabo.

Waxgaradka magaalada Shilaabo ayaa cabsi weyn ka muujinaya inuu sii faafo cudurkan shuban biyoodka ah hadaan dhakhso wax looga qabanin,waxayna aad uga dayriyeen tirada dadka uu xanuunkan hayo oo si dhakhso ah usii kordhaysa.

ONA/Shilaabo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay