Shil baabuur oo kadhacay duleedka dagmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay  ayaa sababay shimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah waxaana shilkaas kunaf waayay 3 qof halka 14 kalana ay ku dhaawacmeen.

Shilkan sababay khasaaraha badan ee shacabka ayaa yimid kadib markay isku dhaceen 2 baabuur ooy wateen dad shacab ah. Goob joogayaal arkayay markay isku dhacayeen labada baabuur ayaa ONA u sheegay ineey labada baabuur xawli ku socdeen sidii iyagoo tartamaya wadada oo xun awgeedna uu khasaare badan halkaasi ka dhashay.

Dhaawaca soo gaadhay 14 kamid ahaa rakaabkii labadaas baabuur ayaan helin wax gurmad caafimaad ah waxaana qaarkood loola cararay magaalada Qabridahar oon waxba dhaamin degmada Shilaabo ee uu shilku ka dhacay.

 

ONA/Shilabo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay