Machadka cilmi-baadhista & daraasaadka arimaha Geeska Afrika (IHASA) oo horay ula bahoobay urur-cilmeedyada caalamiga iyo hay’aadka daraaseeya khilaafaadka dunida ayaa wuxuu u tallaabsaday inuu taxaaluf rasmi ah iyo hawl-wadaag la samaysto xarumaha akadeemiyada iyo istaraatiijiyaadka tacliimiga ah ugu horeeya caalamka .

Taariikhdu markay ahayd 6da September ee sanadkan 2011 ilaa 15keedii ayaa waxaa shir cilmiyeed loogu magac daray “ Istaraatiiyo-u samaynta meertooyinka u dhexeeya khilaafaadka iyo dhabooyinka nabadda ee Geeska Afrika” lagu soo gabagabeeyey xarunta akadeemiyada caalamiga ah ee Woodrow Wilson International center for scholar.

Shir cilmiyeedkan oo socday in ka badan hal todobaad ayaa waxaa wada qabtay Machadka Cilmi-baadhista & Daraasaadka Arimaha Geeska Afrika (IHASA), taxaalufka caalamiga ah ee nabad-dhisidda addunka (Alliance for peace building) iyo xarunta tacliinta & akadeemiyada caalamiga ah ee loogu magac daray hoggaamiyihii hore ee maraykanka. (Woodrow Wilson international center for scholars). Madasha kulankan ayaa ahayd caasimadda dalkan maraykanka, Washington DC.
Shir cilmiyeedkan oo socday muddo todobaad ka badan ayaa wuxuu lahaa laba waji:_

Wajiga 1aad: Uruada ay ka midka yihiin ururka Midawga Afrika (AU), ururka Midawga Yurub (EU), mas’uuliin sare oo ka socota maamulka dalka Maraykanka, xarunta Akadeemiyada iyo Istaraatiijiyaadka Caalamiga, Hay’adda Awood-siinta Umadaha dulman, rugta Iskaashiga Caalamiga ah ee Nabad-abuurka , Kuliyadda Xalinta Khilaafaadka Caalamka iyo Machadka Cilmi-baadhista iyo Daraasaynta Arimaha Geeska Afrika (IHASA). Macahadka IHASA oo isagu qayb wayn ka lahaa cudhinta, abaabulka iyo hirgalinta shirkan taariikhiga ayaa maqal iyo muuqaal ku soo gudbiyey daraasaad ku qotoma magaca la siiyey kalfadhiga “ Mareegta khilaafaadka Geeska Afrika & dhabbooyinka nabadda”.

Waxay madaxda macaahiddani si xeel dheer isula gorfeeyeen asalka, asbaabta iyo saamaynta uu khilaafka Geeska Afrika ku leeyahay danaha xagga amaanka iyo caqabadaha soo wajahay meheradaha caalamiga ah ee ku xidhan maslaxada guud ee dunida. Hawl-wadeenada ka socda dhanka maamulka Mareykanka ayaa si baaxad leh uga hadlay dib u dhaca siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay xasilooni darnida ka taagan Geeska Afrika ku keentay danihii dalkan Mareykanka iyo sida uu maamulka Maraykanku u danaynayo qaban-qaabooyinka shirarka heerkan oo kale ah ee ka turjumaya nabad-u raadinta xalka murugsan ee Geeska Afrika.

Danjire-yaasha ka socday Midawga Yurub ayaa soo bandhigay daraasaadkoodii ku aaddanaa qadiyadda gurracan ee Geeska Afrika iyo saamaynta istiraatiijiyo ee ay ku leedahay geeddi socodka nabadeed ee caalamka . Ururka Midawga Afrika ayaa daraasad ku darsaday kalfadhigaa isagoo madasha ka sheegay in arinka Geeska Afrika uu yahay tiirka ay siinayaan ahmiyadda ugu horaysa ee xalinka khilaafaadka qaaradda Afrika guud ahaan.

Khuburadii ka socotay xarumaha akadeemiyada iyo tacliinta sare ayaa iyaagan qoraalo iyo ducumeentiyo la wada diiwaan galiyey ku soo gudbiyey waxa ay ugu yeedheen “ ciladaha loo baahan yahay in la saxo iyo halbeegyada isla beddelaya maraaxisha hadba la marayo”.

Guddoomiyaha machadka IHASA, mudane Xamse Warfa ayaa soo dhawayn iyo dhiirogalin ku aaddan marti sharafta , ururada iyo khuburada ka dib hoosta ka xariiqay in xal u helidda meertada colaadeed ee ka jirta gobolka Ogaden ay fure u tahay xal u helidda guud ee Geeska Afrika.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Well done IHASA. Waa arin lagu diirsado run ahaantii. Guuleeysta.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay