Wararka lagu kalsoon yahay oon ka hellay Gobolka Shabeelle ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya laba dagaal oo ciidanka Wayaanaha lagu naafeeyay. Dagaaladan oo ahaa weeraro ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) kuqaadeen ciidanka wayaanaha ay kuqaadeen ayaa khasaare gaystay.

Waxaa maalinimadii Isniinta ahayd ooy taariikhdu ku beegnayd 18/10/2015 meesha lagu magacaabo Dhada oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan weerar gaadmo ah ooy CWXO kuqaadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya oo halkaas howlo dad dhibaatayn ah u joogay ayaa ciidanka wayaanaha laga dilay 4 askari 5 kalana waa laga dhaawacay.

Dhanka kale Talaadadii ooy taariikhdu ahayd 19/10/2015 deegaanka Caloolacad oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal aad u culus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 10 askari 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay