Waraka naga soo gaadhaya Gobolka Shabeelle ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo ay ciidanka gumaysigu u gaysteen dad shacab ah oon waxba galabsanin. Warkan ayaan kahelay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 17/10/2015 Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle uu ciidanka gumaysigu xidhay iyo dhibaatooyin kala duwan ugu gaysteen dad shacab ah oo aad ubadan waxaana magacyadooda helay kuwan soo socda.

1 xassan cabdi raxmaan
2 aadan sheekh ibraahim
3 kifaax sheekh ibraahim
4 maxamad cabdi baari
5 muxumad daahir

Dhanka kale magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa dilal ay ciidanka Wayaanuhu ugaysteen dad shacab ah oo kamid ah dulmanayaasha S.ogadenia. Dilkan oo dhacay 17/10/2015 ayay ciidanka
wayaanuhu kudileen 2 muwaadin oo aanaan wali magacyadooda helin, muwaadiniintan ayaa lashegayaa in si ula kac ah loogu toogbartay iyagoo jooga gudaha magaalada Jigjiga.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay