Shirkii magaalada Brussels ee daraad lasoo gabagabeeyay ayaa  loogu yaboohay 105 Milyan oo doolar dib u dejinta  qaxootiga Somalida ee kusugan dalalka dariska la ah Somaliya iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Raysul Wasaaraha Somaliya, xubno katirsan Golaha Wasiiradda iyo wakiilo ka socda UNHCR, Qaramada Midoobay, Midowga Yururb, AU, IGAD iyo madax ka socota dalalka Kenya, Itoobiya iyo Uganda iyo ururo caalami ah .

Lacagta ayaa loogu yabooohay in lagu caawiyo qaxootiga Somalida  iyadoo ujeedadu tahay  in lagu abuurayo jawi dardargelin kara dib u noqosho ikhtiyaari ah ooy sameeyaan qaxootiga Somalida iyo horumarinta ammaanka iyo adeegyada dadwaynaha deegaannada ay Qaxootiga ku noqonayaan.

Wasiirka Iskaashiga iyo Qorshaynta  ee xukuumada Federalka Somaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa VOA-da u sheegay in dhaqaale kor u dhaafaya 100 milyan oo doolar  loogu yaboohay Qaxootiga Soomaalida shirkii magaalada Brussels.

Shirk ayaa waxaa martigeliyay Midowga Yurub iyadoo  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR,  dowlada Federalka Somaliya iyo dowladaha kale ee deriska ay isku raaceen ineey ahmiyad wayn siinayaan in wax loo qabto dadka qaxootiga ah.

Madaxa UNHCR  Antonio Guterres ayaa sheegay in qorshaha uu yahay ineey dalkooda dib ugu noqdaan 135 000 oo qaxooti Somali ah kuwaasoo  kasoo cararay dagaaladii sokeeye iyo abaarihii ku dhuftay Soomaaliya,  wuxuuna deeq bixiyaasha caalamka ugu baaqay ineey ku tabarucaan lacag gaadhaysa 500 oo milyan oo doolar si howshaas loogu qabto.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay