Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob ee wadanka Ogadenia ayaa tibaaxaya dagaalo culus oo cashir loogu dhigay ciidanka gumaysiga ee u tababaran xasuuqa dadka shacabka ah ee soomaalida Ogadenia. Dagaalkan oo ciidanka cadawga lagaga dilay saraakiil badan oo kamid ah hogaamintii ciidanka cadawga ayaa u dhacay sidan.

18/10/2015 Tuulada Sanxaskule oo Dagmada Galaalshe ee Gobolka Nogob katirsan dagaal mudo dheer socday ooy isku farasaareen cutub katirsan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 17 askar iyo saraakiil isugu jira 25 kalana waa lagaga dhaawacay sidoo kale ciidanka JWXO ayaa goobta kaqaatay hub iyo saanad milatari oo aad ubadan.

Dhanka kale waxaa markay taariikhdu ahayd 20/10/2015 deegaanka lagu magacaabo Ina-qanbi oo Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray ayaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay inta lahubsaday 10 askari 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay