Wararka naga soogaadhaya Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar ayaa sheegaya burbur soo gaadhay ciidanka wayaanaha ee kusugnaa deegaankaas. Warkan oon xaqiiqadiisa kahellay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa uqoraa sidan:-

Waxaa markay taariikhdu ahayd 18/10/2015 meesha lagu layidhaahdo Baka oo dagmada Birqod ee Gobolka Jarar katirsan waxaa kugadoomay 1 baabuur ooy wateen ciidanka gumaysiga ee ku sugan wadanka Ogadenia waxaana goobta ku halaagsamay ciidan aad ubadan oo kamid ah ciidanka gumaysiga ee baabuurku laga doomay.

Dhinaca kale 19/10/2015 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar waxaa ka goostay 3 askari oo kamid ah ciidanka Hawaarinta ee dhidid dhowrka u ah ciidanka wayaanaha lamana garanayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyaga iyo qalabkii ay wateen ba.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay