Waxaa maaanta ooy taariikhdu tahay 24 October 2015 lagu qabtay magaalada Oslo xaflad balaadhan oo lagu soo gabogabaynayo asaaska Xisbiga Dadka ee Dimuqradiyada & Xorriyada (PAFD).

Waxaa xafladan oo si heer sare ah loosoo abaabulay iska kaashaday jaaliyada Soomalida Ogadeniya ee ku dhaqan wadanka Norway & Jaaliyadaha Oromia ee kunool wadamada laysku yidhaahdo Sacandanivian ka ee Waqooyiga Yurub.

Dhanka kale waxaa xafladan kasoo qaybgalay dad wayne aad u tiro badan oo aad ugu farxsanaa talaabadan ay 5-ta urur isku bahaysanayaan, taasoo ka dhigaysan isbahaysi aad u xoog badan oo shacabka Itoobiya ay cabudhinta iyo dhibaatooyinka joogtada ah ku hayso 50% ay kor u dhaafayso tirada shucuuta ay ururadan isbahaystay matalaan.

Waxaa khudbado muhiim ah ka soo jeediyay madaxda ururada kala duwan. Shacabkii munaasabadan kasoo qaybgalay ayaa aad ugu riyaaqay isbahaysigan iyo talaabooyinkay ku talaabsadeen. Waxaana laga filayaa isbahaysiga cusub inuu dardar galin doono iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jaaliyadaha ay ururradan isbahaystay matalaan ee qurbaha ku ka hawlgala.

 

ONA, Oslo

osl10

osl9

osl8

osl7

osl4osl5

osl3

osl2

osl1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay