Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabataynta hubka ee mudada dheer saaran dalka Soomaaliya. Golaha ayaa isku raacay ineey cunaqabatayntu Somaliya saarnaato illaa dabayaaqada sannadka soosocda ee 2016-ka haduu ilaahay yiraahdo.

Go’aankan ayaa waxaa isku raacay 14 dowladood oo xubno ka ah Golaha Ammaanka, waxaana sidoo kale muddada loo kordhiyay kooxda lasocodka arrimaha xayiraada hubka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay wax uu ku tilmaamay caddaalad darro iyo lunsasho hanti qaran oo ka taagan Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sheegay in falalkaas ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federal ka ee Somaliya, wuxuuna ku gooddiyay tallaabooyin wax looga qabanayo gabood-falladaas noocaas ah.

 

ONA

comm-sec-council

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay