Walaalayaal taariikdu waa maado muhiim u ah bulsho kasta, waa macalin dadka bara wixii tagay iyo wax jooga, waa iftiin bidhaansha aayaha iyo mustaqbalka, kana diga kudhaqanka soo noqnoqoshada khaladaadka, bulsho walba xasuusteeda taariikheed inta ay gaarsiisantahay ayay odoroskooda mustaqbalna gaarsiisanyahay.

Waxaa nasiib daro ah taariikhda oo ah udub-dhexaadka hogaansha dunida idilkeed, ineey Somalidu qiimayn waydo kana faa’iidaysan waydo. Ilowsho dhawida taariikhda iyo dayicitaankeeda ayaa ah curiyaha 1aad ee ina dhigay meesha ay maanta Somaali taalo, waxay Somalidu hilmaamaan markasta cadawgooda taariikhiga ah, soona jiray mudo aad u dheer, markii loo kuurgalo dhacdooyinkii dhexmaray Gumaysiga Itobiya iyo Somalida ayaa waxaa muuqanaya xasuus darida waafiga ah ee Somalida, taasina waxay u sahashay cadawga in uu siduu doono kayeelo gayiga iyo uma Somaliyeed.

Walaalayaal in kastoo ay Somalidu u badantahay maqane hilmaan badan, hadana waxaa jira qaar garasho dheer oo dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba jecel, una taagan difaaca sharafta umada
Somaliyeed, xabashida oo markasta diyaar u ah dhibaataynta umada Somaliyed ayaa waxaa dagaal la galay IMAAM AHMED GUREY waqti laga joogo ku dhowaad 500 oo sano, isagoo ka difaacayay dulmiga Xabashidu ku haysay shacabka Somaliyeed.

Sidookale, markii Xabashidu ka qayb gashay shirkii guumaystayaashii reer Yurub ku qaybsadeen Africa
dabayaaqadii qarnigii 18aad waxay codsatay in Somaliya idilkeed qayb loosiiyo ayaga si ay u gumaystaan taasoo sababtay in aakhirkii lagu wareejiyo wadanka Ogadeniya. Waxaa qaybsaday Somaliya, guumayste
midabyo badanleh laakiin waxaa taa diiday kana dhiidhiyay aabihii halganka xornimada Somaliyeed, SAYID MAXAMED CABDILE XASAN iyo Daraawiishtiisi oo gumaystihii Xabashida iyo reer Galbeekaba kuqaaday dagaal hubaysan, inkastoo wax garadka Somaliyed ay u taagnayeen iska caabinta cadawgooda, hadana waxaa taa fashilinayay marwalba waxmagaradka ilowshaha dhaw ee Somaliyeed oo cadawgooda iyo xabiibkoda kala garankarin. Umada somaliyed hadii ay dhadhamin lahaayeen xanuunka iyo cadawtinimada Itobiya marnaba dalka Somaliya iyo Ogadeniya sidan ma ahaadeen manta.

XAALADA SOOMAALIDA MAANTA IYO KUWII HORE

Xaalada umada somaliyed kujirto manta waa mid ay maamusho oy kantarosho Itoobiya, waxayna ka ugaadhsataa waxgaradka iyo taageerayaasha ONLF, Waxaa ah mid laga naxo ineey Itoobiya marwalba adeegsanayso madaxkusheeg Somaliyeed, oo ka ganacsada dhiiga shacabka walaalahood ah ee somalida Ogadeniya, balse, waxaa xusid mudan ineey jiraan somali tirayar oo xasuusan raadadka taariikhed ee udhexeeya somali iyo xabashi, qaar ayaa dareensan mar walba in diintooda, dalkooda &  naftooda weerar lagu yahay iskuna dayay ineey difaacaan intii karaankooda ah, halka qaar kalana ay u arkaan markasta in Itoobiya tahay xabiibkooda khaaska ah.

Hadaba hadii aynu dib ugu laabano dhaqanka siyaasiyiinta soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii hore waa wax aad ukala fog, siyaasiyiintii soomaaliyeed ee hore markay kahadlayaan Itoobiya waxay dhihi jireen “Gumaysiga Ethiopia” Taliska macangaga ah ee Addis Ababa” cadawga umada soomaaliyeed ee Ethiopia” injireey” iwm.
Siyaasiga soomaaliyeed ee maantana markuu kahadlayo Itoobiya wuxuu dhahaa “dawlada aan walaalaha nahay ee Ethiopia ” Ethiopia ayaa iwadata” Ethiopia ayaan Kawada hadalnay” waxaan rabnaa Fadaralka
Ethiopia oo kale ” Ethiopia ayaan u socdaa ” iwm.

Hadaba walaalayaal su’aasha iswaydiinta mudan waxaa weeye maxaa iska badalay umadii
somaliyed ooy cadawgoodi itobiyanka ugu adeegayaan ???

Bye: L . M.A. (Kulmiye)

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay