Machadka Cilmi Baadhista ee magaalada Garissa ayaa Guudoonsiiyay 21 Arday oo ka tirsan jaaliyada Barsan ee Somalida Ogadenia kuwaasoo  kaqalin-jabiyay Koorsada Alifle.

Maamulka Machadka Magaalada Garisaa oo hawlo waxbarasho oo Kor loogu qaadahayo Tayada iyo Aqoonta Dhalinta, howl-wadeenada iyo dhamaan bulshada qaybaheeda ka duwan ee Soomaalaida  Ogadenia ayaa la soo gabagabeeyay. Koorsada Alifle oo aheyd tii ugu danbeysay ee Ardaydu ka qalin jabiisay ayaa lagu  baran hayay cashiro kala duwan, waxana kamid ahaa.

  1. Culuumta Shareecada Islaamka.
  2. Taarikhda Dalka Ogadenia iyo Midka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia.
  3. 3) Xeerarka iyo Barnaamijka Siyaasiga ah ee JWXO.

Koorsadan Alifle ayaa lafuray bishii labaad sanadkan 2015-ka waxayna soo gaba-gaboowday bishii 7aad ee isla sanadkan. Koorsadan oy iska kaashadeen jaaliyada Barsan iyo macadka Cilmibaadhista  ayaa uu hirgashay sidii loogu talagalay, waxayna soo saartay Arday tayo wanaagsan kuwaaso Noqon doona Hogaaminta iyo Laf dhabarta Halganka shacabka  Somalida Ogadenia,

Dhankale Ardaydii ka qaliin jabisay Koorsada Alifle oon Microphone-ka la dhexqaadnay ayaa muujiyay farxad iyo Rajo balaadhan iyagoo ii raaciyay in Dhan walba ka dhismeen, waxayna aad ugu mahadcelin hayeen Maamulka FARACA BARSAN, iyo guud ahaan Jabhada JWXO Gaar ahaan Mahacadka Cilmibaadhista oo uu sahashay Koorsadan Alifle.

Dhan Kale FARACA BARSAN ee jaaliyada Ogadenia ayaa ku howlan inuu soo saaro, Arday intaas ka badan iyo waliba Hogaaminta Mustaqbalka ee Halganka shacabka reer Ogadenia. Koorsadan Alifle ayaa ku soo dhamaatay Farxad iyo Rayn Rayn aad uu baladhaan Waxaana Allah uga baryaynaa Ardaydii ka qalin jabiisay ineey noqdaan kuwo Halganka xaalad walba la gala una noqda Hormuud iyo Mustaqbalkii UMADA Gumaysiiga ku hoos jirta ee Somalida Ogadenya.

 

ONA

IMG-20151024-WA0017

IMG-20151024-WA0016

IMG-20151024-WA0014

IMG-20151024-WA0009

IMG-20151024-WA0005

IMG-20151023-WA0024

IMG-20151023-WA0020

IMG-20151023-WA0018

IMG-20151023-WA0017

IMG-20151023-WA0015

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay