Sida uu kusoo waramay Wariyaha ONA ee dalka Ogadenya waxaa boob haahsan kuhaya dhul beereed aad ubadan oo shacabka Somalida Ogadenya ee ku dhaqan Xarunta Gobolka Shabeele ee Godey uu lahaa.

Warkan ayaa intaas ku daraya in maalmihii lasoo dhaafay uu Gumaysigu u gacan galiyay dhul badan oo shacaku lahaa dad shisheeye ah oo Gumaysigu qanraasyo lasoo galay. Waxgaradka iyo Odayaasha Godey ayaa walaac ka muujiyay sida xaqdarada ah ee dhulkoodii looga fara bixiyay iyo cadaalad la’aanta Gumaysigu shacabka masaakiinta ah uu kuhayo hadh iyo habeenba.

Oday dhaqameed caan ka ah magaalada Godey oo naga codsaday inaan magaciisa lashaacinin ayaa mar uu u warmayay wariyaha ONA yidhi ” Adeer labo beerood oon Miiraa Godey Kulahaa, waxaa labadiiba lasiiyay dad shisheeye ah oo Itoobiya wadato meelay ka imaadeena aan la’aqoonin“.

Ma aha markii koobaad ee dhul shacabku lahaa Gumaysigu xoog uga fara maroojiyo. Marar badan ayaa dhibaatadan oo kale shacabka Godey lagu sameeyay, waana mid joogta ah oo guud ahaan shacabka Somalida Ogadenya oo idil uu qabo dhibkaas.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay