Sida ay nagu soo gaadheen warar aan kahellay Gobollada Qoraxay & Jarar ayaa sheegaya 2 dagaal oo aad u waawayn oo dhexmaray Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) & kuwa Gumaysiga Itoobiya ee kusugan dhulka Ogadenia.

Warkan oo uu nasoo gaadhsiiyay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soo warama wadanka Ogadenia ayaa faah faahin kabixiyay sidii ay labadan dagaal u dheceen.

Maalinimadii Khamista ahayd ooy taariikhdu ku beegnayd 22/10/2015 deegaanka loo yaqaano Caleen oo Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaal aad u culus oo CWXO iyo kuwa wayaanaha
ku dhex maray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aad u badan oon wali lasoo faah faahinin.

Dhinaca kale maalinimadii Jumcaha ooy taariikhdu ahayd 23/10/2015 meesha lagu magacaabo Dayr oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa wayaanaha lagaga dilay 5 askari oo uu kujiro dhiigyacab Aadan Boolis 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhiigyacab Aadan Boolis oo darajo ahaan xambarsana waxa loogu yeedho Shiihalaqe ayaa lagu xasustaa xasuuqii iyo umulo dooxii uu kagaystay Gobolka Qoraxay gaar ahaan Dagmada Qabridahare iyo nawaaxigeeda isagoo si arxan darra ah ugumaaday shacab badan oon waxba galabsanin isagoo kuraari galinaya gumaysiga uu dhidid dhowrka u ahaa.

ONA/Ogadenya
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay