Magaalada Nayroobi ee caasimada wadanka Kenya oo dadweynaha af-Somaliga ku hadla ay aad u sugayeen Riwaayada Kalaguurkii Weeyee Ogaadeenyaay Garo ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa wacdaro wayn ka dhigay Kooxda Danab oo mudo soo daadihinayay riwaaydan.

Riwaayada oo lagu qabtay Hool-ka wayn ee ku yaaala Badhtamaha magaalad Nayroobi ayaa waxaa ka soo qayb galay boqolaal dadwayne ah kuwaas oo ka koobnaa Jaaliyada Ogaadeenyan iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan.

Riwaayada waxaa qayb libaax ka qaadatay oo hoolkii halmar isla kacay markay soo gashay fanaanada caanka ah ee Fartuun Birimo oo labo hesood oo halgan ka qaaday siiba hees ay iyadu wadatay oo la yidhaahdo – JWXO-oy Dadaal -. Heestaa ayaa markay qaaday dadkii dabaqa sare saaraa iyo kuwii hoos joogayba halmar isla kaceen oo xataa laga yaabay inuu shil ka dhaco is jiidh iyo isbuurasho daraadeed.

Nuxurka iyo ujeedada riwaayada ayey dhalintii daawaneysay si aad ah u fahmeen iyadoo Kooxda danab ay midhaha Riwaayadan ku cabirayeen.Sida uu guumaysigu u kala qaybinyo shacabka Ogaadeenya.

Qabashada Riwaaydahan iyo munaasabadaha noocan oo kale ah ee ka dhaca dalka kenya ayaa aha kuwo muhiimad wayn oogu fadhiya dhalinta Ogaadeenya.

 

ONA.

 
 

7 Comments

  1. Hanad says:

    Waa mahad ilaahay mar ii hadii dhalintii Ogaadeenya ay Kenya ku dabaal dagayaan wararkii dabodhilifka Itoobiyan ay ku gabanayaan darbiyada
    Waxaan leeyahay ha ka daalin hasha aad wadaan meel walba oo ad joogtaan

  2. hassan says:

    ‘Waa kaaf iyo kala Dheere\ waxaan maalmahan ku arkay qoraallo Dabadhilif oo sheegaya in Taageerayaasha Jwxo \Qax yihiin\ laakiin waxaa ka dambeysay Tan!
    Guul iyo Gobannimo>

  3. ogboy says:

    hanbalyo ayaan idiinleenahay kooxda danab wacdaro ayaad soo jeediseen waxaana idiin leeyahay halkas kawado insh,alah ogadenia wey xaroobi soomliyana way israaci

  4. ahmed says:

    ku quuso malezow,ku quuso dabaqoodhiyow, ogaadeniya way xoroobi inta wiil soomalida reer ogaadeniya nool yahay.

    guuleysta shacabka ogaaadeniya , shacabka soomaliyed

  5. masha allah aad baan ugu farax nay dhalinta kenya dhalin in lagu daydo mudan baa tihiin halkaa kawada ayaan leemahy diidnay gumaysiga

  6. manqabojiye says:

    hanbalyo dhaman bulashada rer ogadenia gar ahaan kooxda danab well done guys ku quuso dabaqoodhiyow ogadenia way xoroobi eee mesha aad gali lahayd sii diyaarso

  7. asad says:

    waxa an leeyahay hambalyo waa guul inoo soo hoyatay hadaan nahay umada reer ogadenya meeel ksra oo ay joogtaba

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay