Wararka ONA kasoo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa tibaaxaya in nin looga shakiyay inuu ka tirsanyahay Jabhada hubaysan ee Ginobt 7 Arbenyoj isla markaana uu qoro dhalinyarada kamidka noqonaysa jabhadaas u laayay 5-askari & sarkaal katirsanaa ciidamada Woyanaha. Sarkaalkan ladilay ayaa la odhan jiray 2 xidigle Yalow Makonin.

Ninkan askarta Woyanaha laayay oo magaciisa la odhan jiray Amsalu Tashome ayaa waxa u ahaa nin dhalinyro ah oo Jumcihii hore laga soodaayay xabsiga dhexe ee magaalada Gonder.

Waxaa ninkaas loo diray askar si ay u soo qabtaan, halkaas oo la damacsanaa in xabsiga loo taxaabo. Markii ay askartii arkeen ooy damceen ineey qabtaan ayuu qorigisii lasoo baxay halkaas oo u askartii rasaas ooda uga qaaday oo isla gobtii ku dilay 5 askari & sarkaal kadibna u isaguna qudha iska qaaday.

Maydkii ninkii askarta Woyanaha laayay ayaa suuqa magaalada Gonder la jiiday taasoo ay shacbiga reer Gonder aad uga gadoodeen, falkaas foosha xun ooy ku tilmaameen mid dhaqanka & banii’aadanimadaba kabaxasan. Waxa kale oo ay dadku isla dhex marayeen inuu geesi ahaa ninka askarta Woyanaha laayay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay