Wariyaha ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa ka warbixinaya tacadiyadii ugu dambeeyay ee loogaysto dadka shacabka ah ee S.ogadenia ee u gardaduuban gumaysiga madow een naxariista lahayn. Tacadiyadan ugu dambeeyay oo isugu jira dhaawac iyo xadhig ayaa u dhacay sidan.

Waxaa 18/10/2015 deegaanka loo yaqaano Jajaba oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan uu ciidanka bahalka ah ee gumaysigu ku dhaawaceen labo dumar ah ooy midu waayeel tahay waxaana lagu soo waramayaa inuu aad udaranyahay dhaawaca soo gaadhay Hooyada waayeelka ah. Falkan foosha xun ayay ciidanka wayaanuhu u gaysteen Axbaab Muxumad Nuur oo umul ahayd iyo Hooyo 70 ah oo lagu magacaabo Xareedo oo aanaan magaceedo oo sadexan haynin, warka ayaa intaas kudaraya in dhaawaca haweenkan loola cararay magaalada Jigjiga.

Dhinaca kale 20/10/15 Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay waxay ciidanka gumaysigu kuxidh xidheen qoys dhan oon magacyadooda helay labada waalid oo lagu magacaabo Aabo Cabdiqaadir Dhagayare oo 95 jir ah iyo Hooyo Ardo Cismaan. Sidoo kale ciidanka wayaanaha ayaa dhacay hantidii qoyskan uu lahaa.

 

ONA-Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay