Waxaa shalay ooy taariikhdu kubeegnayd 26/10/15 xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi lagu qabtay xaflad balaadhan ooy kasoo qayb galeen dad aad u badan oo isugu jira xubnaha faraca Iftin
iyo marti sharaf kale.
Xafladan oo lagu xusayay maalinta Hidaha iyo Dhaqanka Ogadenia waxaa qabankaabadeeda iyo qabashadeedaba lahaa Ururka Dhalinta iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia OYSU faracooda Xagardheere. Xafladan oo ahayd mid lagu soo farayaraystay mudana laga soo shaqaynayay ayaa furantay abaare 9:20 subaxnimo waxaana lagu furay wacdi diini ah iyo aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah waxaana warbixin waafi ah oo dal iyo dibad ah soojeediyay Xoghayaha OYSU Xagardheere mudane cabdiraxmaan faarax barkhadle wuxuuna xoghayuhu sharaxaad kabixiyay xafladan iyo sababta keentay in laqabto iyo baahida looqabo xafladaha noocan ah isagoo bulshada ku booriyay in ay ilaaliyaan diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan.

Intaas kadib waxaa laguda galay xafladii Hidaha iyo Dhaqanka waxaana kamid ahaa waxyaabihii lagu soo bandhigay qalabkii iyo adeegsan jireen bulshada S.ogadenia iyo Hugii ama Dharkii ay xidhan jireen waxaana sifiican oo ay khibrad kujirtu sharaxaad uga bixinayay dhalinta OYSU Xagardheere.

Qalabkii la isticmaali jiray ee maanta lasoo bandhigay waxaa kamid ahaa Haanta, Dhiilka, Hararka, Masafta iyo mudaca IWM waxaana sificil ah loomacneeyay waxay qaban jireen qalabkan ay adeegsan jireen bulshadii hore ee soomaalida ogadenia. Sidoo kale waxaa sharaxaad dheer laga bixiyay dhirtii la isticmaali jiray sida Midhaha, xabagta, Maydhaxda iyo geedaha laysku daweeyo iyo wali kuwa caleentooda lacuno sida Jinawga iyo bacaroorka. Sidoo kale waxaa sharaxaad laga bixiyay masnada uu allaah dhulkeena kubeeray sida Doombirta, Yicibta iyo likaha.

Intaas kadib waxaa madasha ay xafladu kadhacaysay lagu soo bandhigay ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka sida Dhaantada, Gabayada iyo Geeraarada waxayna dhamaan noqdeen kuwo laga wada maqsuuday. Guntii iyo gunaanadkii xafladii ayaa sinabad ah kusoo dhamaatay waxayna soo xidhantay abaare 1:40 duhurnimo xiliga Xagardheere

ONA Xagardheere

IMG-20151026-WA0007

IMG-20151026-WA0014

IMG-20151026-WA0018

IMG-20151026-WA0020

IMG-20151026-WA0012

IMG-20151026-WA0015

IMG-20151026-WA0019

IMG-20151026-WA0021

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay