Waxaa shalay Isniin ooy taariikhduna ay ku beegnayd 26/10/15 xerada Qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi kaqabsoomay kulan aad u balaadhan ooy yeesheen haweenka ree Ogadenia ee ku dhaqan xerada Xagardheere.

Kulankan ooy sooqaban qaabiyeen Ururka Haweenka Ogadenia ee magacooda loosoo gaabiyo UHO laantooda Xagardheere ayaa ahaa kulan abaabul oo loogu tala galay in laga soosaaro gudiyo kahowl gala bulsha waynta ku dhaqan xagardheere. Kulankan ooy shir gudoominaysay gudoomiyaha ururka haweenka fariciisa Xagardheere marwo Fardowsa Xirsa ayaa lagaga hadlay qodobo aad u badan oo lagu qeexayay doorka ay haweenku kuleeyihiin halganka hubaysan ee ay umadu kula jirto gumaysiga Itoobiya mudada dheere.
Khudbado dhaxal gal ah ooy soo jeediyeen gabdho kamid ah baroomada intabadan soo halgamayay ayaa shaaca lagaga qaaday doorka shariifka ah eey kuleeyihiin halganka dumarka soomaalida ogadenia waxayna sooqaateen dhacdooyin sax ah iyo malkooyin ad adag oo ay dumarku halganka talaabiyeen iyagoo walina door muhiim ah kuleh kana muuqda meelkasta oo uu halganku kasocdo.

Sidoo kale waxaa farta lagu fiiqay ineey jiraan dhaliilo ay dumarku leeyihiin iyagoo kubalamay ineey dhankooda katoosiyaan halganka soloo gaadho yoolka aan higsanayno oo ah in lahelo ciida Ogadenia oo xor ah idam Allah.

Guntii iyo gunaanadkii gabdhihii kulanka kasoo qayb galay oo aad u tiro badnaa ayaa balan qaaday ineey sii laban laabayaan abaabulka iyo wacyi galinta ay wadeen iyagoo adeegsanayay wax kastoo karaan kooda ah waxayna kuniyad samaayeen inuu fuli doono rabataankoodu.

ONA Xagardheere.

 

IMG-20151026-WA0005

IMG-20151026-WA0008

IMG-20151026-WA0004

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay