Subscribe by RSS
Radio Xoriyo
ILAYS TV
Sport
Youtube
Ogeysiis/Xayeysiis
Maqaalo
Articles
Home
Warar
News in English
Radio Xoriyo
Isniin
Talaado
Jimce
Sabti
ILAYS TV
Ogaden History
Past and Present
Political Programme
Political Objectives
Political Background
Warar Aduunka
Afrika
Carabta
Amerika
Africa News
Login
Madaxweyne Xasan oo la kulmi doona boqorka Sacuudi Carabiya
Posted by
Daljir
/
October 28, 2015
Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho boqorka Sacuudiga boqor Salmaan bin Cabdul casiis.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa warbaahinta u sheegay in wafdiga madaxweynaha ay la kulmi doonaan boqorka Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo guud ahaan iskaashiga dalalka Carabta sida arrimaha wadanka Yemen iyo la dagaalanka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdigiisa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo taliyaha ciidanka nabadsugida qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare, waxaana booqashdiisa ay la xiriirtaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay boqortooyada Sacuudi Carabiy
Share this:
Click to share on Twitter (Opens in new window)
Click to share on Facebook (Opens in new window)
Click to share on Google+ (Opens in new window)
Tweet
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.
Madaxda ONLF Oo Lagusoo Dhaweeyey Jigjiga
Xog-hayaha Golaha Dhexe Ee ONLF
ILAYS TV 09 Nov. 2018 :Wararka Ogadenya, geeska Afrika iyo caalamka
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.