Warar lagu kalsoon yahay oo ONA soo gaadhay ayaa tibaaxaya in Gumaysiga Itoobiya dayn badan oo gaadhaysa ilaa 25 Billion oo Dollar ka Maraykanka ah lagu leeyhay. Ha’yada caalamiga ah ee lacagta aduunka u qaabilsan ee loo yaqaano International Monetary Fund (IMF) ayaa sheegtay in daynta Itoobiya lagu leeyahay ay dhaqaalaha wadanka wax badan u dhimi karto.

IMF ayaa warbixin kusoo saartay in daynta Itoobiya lagu leeyahay ay dhantahay qiyaastii 50% wax soo saarka Itoobiya oo idil. Mar ra’iisul wasaaraha Itoobiya wax laga waydiiyay inta ay la egtahay daynta Itoobiya lagu leeyahay wuu ka gaabsaday in su’aashaas ka jawaabo.  Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay tahay dawlada  labaad ee aduunka ugu saboolsan islamrakaana deeqaha aduunka ugu badan lasiiyo.

Haddaba iyadoo ay Itoobiya intaas oo dayn ah lagu leeyahay deeqo badana ka hesha deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa haddana in 16 Malyuun oo qofi ay macaluuli haysaa ooy ha’adaha aduunku u dalbadeen in gargaar deg deg ah lala soo gaadho.

Waxaa wax lala yaabo ah ineey dadka qaarkood aaminsanyihiin ineey Itoobiya horumartay meesha ay beesha calaamu ay ka dayrinayaan dhaqaale xumida haysata iyo macaluusha lasoo daristay malaayiin kamid ah shacabka Itoobiya.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay