Gudiga dabagalka dambiyada dagaalka ee Midawga Africa uqaabilsan baadhitaanka dambiyadii ka dhacay Koonfurta Sudan ayaa warbixin ay Talaadadii soo saartay ku sheegay in gabood fallo badan oo banii’aadminada ka dhana laga gaystay dagaalka wadankaas ka dhacay.

Warbixintan oo meelo badan taabanaysa ayaa shaaca ka qaaday baaxada dambiyadii dagaalka ee Koonfurta Sudan kadhacay. Dambiyadan oo isugu jira kufsi, dil badheedh ah, baro-kac, midab-takoor ayaa lagu soo eedeeyay ineey gaysteen labada dhinac ee ku hardamaya wadanka Konfurta Sudan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhibaatooyinkii ugu naxdinta badnaa ay kamid ahaayeen hilibka dadkii dhintay oo lagu qasbo kuwo nool ineey cunaan ama dhiigooda cabaan. Gudigan ayaa shaaca ka qaaday in sharciga lala tiigsan doono dadkii falkaas gaystay iyo waliba kuwii amarka bixiyay ee dambiyadaas ka dambeeyay.

Dhanka kale wadanka Ogadenya dambiyo kuwan oo kale ah ayaa ka dhacay ooy fuliyeen ciidanka Gumaysiga iyo kuwa kabaha uqaada. Dadkii dambiyadaas gaystay oo lawada yaqaano ayaan cadaalada iyo sharciga dawliga ah waligood la horkeenin oo dhiiga shacabka Somalida Ogadenya hadh & habeenba si xaq darra ah u daadinaya, balse taariikhdu aysan i loobi doonin xaquna soo qaban doonaa ninkii noolaada.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay