sh. ibrahim cabdallaMaleesiyadii Ihadhig (Wayaane) sidaan soo sheegnay markay kasoo adkaadeen kana saareen dalka jabhadii xooga badnayd ee Itixaadka ayay usoo gacan banaanaadeen intii ka hubaysnayd ONLF ee xafiisyada loogu talagalay inay ilaaliyaan ama joogay saldhigyo qarsoon oo aan badnayn. Waxay kaga bilaabeen weerar ay ku qaadeen gudoomiyahii ONLF AUN Sheekh Ibraahim oo booqasho ku tagay magaalada Wardheer. Ujeedada weerarkaasi wuxuu ahaa inay gacanta ku dhigaan ama dilaan Gudoomiyaha say u hakiyaan barnaamijkii is-habaynta iyo diyaar-garowga ONLF ay ugu jirtay say ula falgalaan marxaladda cusub iyo dagaalada aan laga fursanaynin ay soo qaadi doonaan Wayaanaha. Taariikhdaa iyo dagaalada say ku bilowdeen waa mid meelo kala duwan lagu qoray, waxaase iyada xusid mudan dagaalkii ka dhacay Wardheer oo noqday astaan kala-guur ah. Wayaanaha waxaa cadaatay inay been u sheegayeen shucabka Ogadenya oo hadafkoodu uu ahaa inay usoo gacan banaanadaan.

WardheerTaariikhda shucuubta waxaa jira marxaladu xusuusreeb ah (Turning Point). Tusaale ahaan, dagaalkii Bader wuxuu Ilaahay ku tilmaamay mid xaqqa iyo baadilka kala soocay (Yoomal Furqaan), wuxuuna mushrikiintii Quraysh dareensiiyay inuu isbadal jiro. Sidoo kale, weerarkii Wayaanaha ay kusoo qaadeen Wardheer wuxuu u noqday astaan marxaladda cusub ee halganka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya uu galayo. Wuxuu u muujiyay maleesiyadii Ihadhig ee ka soo adkaaday dhamaan xoogagii diiday inay is-dhiibaan, inay jirto qiiradii xoriyad jacaylka iyo awoodii shacabka Ogadenya. Dagaalka Wardheer wuxuu noqday dagaal ay shacabka Wradheer ku difaaceen Gudoomiyihii ONLF iyo goosankii yaraa ee lasocday gudoomiyaha inay ilaaliyeen, arintaasoo ku noqotay argagax Wayaanaha iyo arin aanay sinaba u filaynin inay u dhacdo. Yoolka Wayaanaha wuxuu ahaa inay gacanta ku dhigaan ama ay dilaan gudoomiyaha JWXO. Weerar ay soo qorshaysteen ayay kusoo qaadeen N/hurayashii ilaalinayay xafiiska iyo Gudoomiyaha oo joogay halkaa, waxaana ka dhacay dagaal gacmaha la’isula tagay oo durbadiiba ay kusoo biireen shacabkii reer wardheer oon u kala hadhin yar iyo weyn. Dagaalkaas wuxuu cadawga ku waayay ciidan ka badan boqol iyo dhaawac farabadan oo aanay ku talagalin.

Wayaanaha waxay filayeen inuu shacabka dhex-dhexaad ka ahaado dagaalka iyaga iyo ONLF, siday dhex-dhexaad uga noqdeen dagaalkii u dhexeeyay iyaga iyo Itixaadka, taasoon u dhicin siday doonayeen. Hadaba su’aasha meesha ku jirta waxay tahay, sababta uu dagaalka Itixaadka ugu muuqday shacabka Ogadenya mid u dhexeeya laba ciidan, weerarkii lagu soo qaaday ONLF-na u noqday mid iyaga lagu soo qaaday oo shacbi ah?

Sidaan soo tilmaanay Itixaadka waxay soo galeen dalka iyagoo ciidan hubaysan ah oo kasoo gudbay dhanka Somaliya, fadhiisino ciidan iyo xafiisyana looga sharciyeeyey Ogadenya. Waliba waxaa la leeyahay ujeedada looga soo saaray Somaliya ee loo keenay halkan ayaaba ahayd si lagu tirtiro. Si kastaba, xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo dadweynaha wuxuu la mid ahaa xidhiidhka ka dhexeeya ciidan dawladeed oo meel dagan iyo shacabka. Waxaa intaa dheer inuu Itixaadka ahaa urur qaab-dhismeedkiisu yahay urur diini ah oon aqoonsanayn xuduudaha u dhexeeya Ogadenya iyo gobolada Somaliya.

IMG_0063Meesha ONLF uu ahaa urur dhex yimid shacabkiisii oo ka doonaya taageero iyo dhismaba. Madaxdii ONLF ee dibadda ka timid waxay isla markiiba usoo bandhigeen dadweynahii Ogadenya Barnaamijkii ururka iyo Hiigsiga ururka, waxayna shacabka gudoonsiiyeen inay ka doonayaan maalkii iyo muruqii lagu meelmarin lahaa barnaamijka ururka hadday ku qancaan. Wayna ku qanceen shacabka Ogadenya iyagoon u kala hadhin barnaamijkii iyo hadafkii ONLF, waxayna go’aansadeen inay ku halgamaan oo xuquuqdooda ku raadsadaan iyagoo ONLF ah. Dagaalkay kusoo qaadeen ONLF wuxuu noqday dagaal ay kusoo qaadeen shacabka, waxaana tusaale loosoo qaadan karaa dadka iyo xubnaha ay dileen;  Gudoomiyihii magaalada Goday Ugaas Miraad Layli, gudoomiyihii magaalada Qabridahre Mohamed Cumar Tube iyo Ku-xigeenkiisii Deeq Maxamuud Carab. Waxaa kaloo kamid ahaa gudoomiye ku-xigeenkii Magaalada Wardheer C/laahi Ganay iyo Gudoomiyihii Magaalada Qalaafe Diiriye Dhaqane. Hadaba go’aanka ay kaga baxeen madaxdii ONLF magaalooyinka markay soo xidheen xafiisyadoodii wuxuu ahaa go’aan shacbi ah oo la’isugu diyaarinayo in lagu difaaco barnaamijkii iyo hadafkii ONLF ee ahaa Xoreynta Dalka iyo Dadka Ogadenya.

Madaxdii Ihaadhig (Wayaane) arintaa kuma aanay farxin, mana aanay filaynin in xubnaha ONLF iyo shacabka raacsan ay miyiga u baxayaan oo saldhigyo halkaa ka samaysanayaan. Waxay filayeen oo qorshahooda ahaa inay ONLF ka daba tagaan Itixaad, oo Somaliya u cararaan sidii horeyba usoo dhici jirtay (1964 iyo 1977). Laba sababood dartood ayaanay sidaa ugu dhicin. Ugu horeyn dawladii Somaliyeed way burburtay oo ma jirin Dal iyo Dawlad gabaad u noqon kara ONLF. Midda 2aad barnamijka ONLF lagu aasaasay ayaa wuxuu ku salaysnaa in laga madax banaanaado faragalin dawladeed, gaar ahaan Xukuumadihii Somaliya oo qadiyadda Ogadenya u adeegsaday inay ku ilaaliyaan maslaxadooda oy kula gorgortamaan caalamka.

Hadday Itixaadka sidii horeyba u dhici jirtay gabaad ka heleen xeryahay ku lahaayeen Somaliya, ONLF waxay gabaad ka heleen miyiga Ogadenya oo lagu soo dhaweeyey. Hadday maleesiyadii Wayaanaha ugu tageen Itixaadkii Somaliya oy kaga adkaadeen halkaana iyagoo kaashanaya dagaal oogayaashii Somaliya, way isku dayeen sidoo kale inay miyiga ugu tagaan ONLF oy ka saaraan dalka, wayse ku fashilmeen khasaare weyn oo gilgilay jiritankii xukunka TPLF ayayna kala kulmeen sida ku cadayd warqadaha ay is-dhaafsanayeen madaxda Wayaanaha ee lagu soo bandhigay Wikkileaks.

Talaabada ku xigta maxay tahay? La soco.

Noora Afgaab/Jigjiga.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay