War hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawacba gaystay uu ka dhacay magaalada Matammaan oo kutaala xadka ay wadaagaan Sudaan & Itoobiya oo intii mudo ahba xiisad colaadeed ay ka taagnaayeen.

Xogtan ay ONA heshay ayaa sheegaysa in ciidanka Gumaysiga Itoobiya ay weerar ku qaadeen shacab u dhashay wadanka suudaan oo beeralay ah kuwaasoo ay Itoobiyaanku ku xasuuqeen deegaankoodii. Warkan ayaa intaas raacinaya in dhawr jeer oo hore Itoobiyaanku ay sidan oo kale u laayeen shacabka beeralayda ah ee dalka sudan.

Taliyada Ciidanka Sudan oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in dhamaan shacabka ay Itoobiya xasuuqday ay ahaayeen shacab beeroleey ah oon waxba galabsanin. Khilafka labada dal ee xuduuda udhaxaysa kusaabsan ayaa mudo dheer soo jiitamayay walina aan xal rasmi ah laga gaadhin.

Faah faahinta dagaalkan iyo wixii kasoo kordha waxaad kaheli doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay