Siyaasiyiinta Soomaaliya oo waji cusub lasoo baxay & Itoobiya oo ka walwalsan…..

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeeda qorshayaalka dowladaha dariska ah siiba Itoobiya ee ay ka leeyihiin jamhuuriyada Soomaaliya,waxayna siyaasiyiintan meelo badan ka cadeeyeen in Soomaaliya aan la rabin inay dib ugu soo laabato saaxada caalamka.

Xildhibaano wadaniyiin ah oo kamid ah golaha shacabka ee hada ayaa si badheedh ah ugu sheegay umada Soomaaliyeed in Itoobiya ay doonayso inay Liqdo Jamhuuriiyada Soomaaliya aysana marna raali ka ahayn dib usoo noqoshada Qaran Soomaaliyeed

Cabdalle Boos Axmed oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ahna wadani Soomaaliyeed ayaa runta ka sheegay in beesha caalamka iyo dowladaha dariska la ah Soomaaliya ay iska raacsan yihiin sidii Soomaaliya loosii kala durkin lahaa loogana dhigi lahaa maamul goboleedyo ay Itoobiya aarbitar u kala noqoto.

                                 HALKAN KA DAAWO

 

 

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho waraysi xasaasi ah ku bixiyey labada xildhibaan oo wadaniyiin ah waraysigaa oo markii dambe keenay in la xidho wariyayaashii waraysiga daadihinayay albaabadana la iskugu dhufto Tv-gii waraysigaas soo daayey.

“Wax Soomaalinimo iyo midnimo ka shaqeynaya oo dowladaha dariska ah ama beesha caalamka ah ma jiro mid kastana wuxuu wataa danahiisa khaaska ah,waxaana ugu daran Itoobiya oo doonaysaba inay liqdo jamhuuriyadii Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaanka.

                                 HALKAN KA DAAWO

Baraaruga Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayay cabsi weyn ku reebtay xukuumada gumaysiga Itoobiya oo aad uga baqaysa inuu dhasho kacdoon shacab oo ka dhan faragalinteeda,waxaana la hakiyey waraysiyo badan oo uu kamid yahay mid lala yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya oo hordhaciisii lasoo galiyey baraha internetyada kadibna ay Itoobiya amar ku bixisay inaan lasoo baahinin waraysigaa xasaasiyada uu leeyahay ee iyada lidiga ku ah dartii.

                                      HALKAN KA DAAWO

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay