Wararka naga soo gaadhaya magaalada Arba Minchi ee gobolka Axmaarada  ayaa tibaaxaya in lagu xidhay dhalin yaro aad u tiro badan magaaladaas, waxaa ku jira madaxii xafiiska xisbiga Buluga ah  ee loo yaqaano  Samayawi Party.

Wararku waxay intaas ku dareen   in uu  dadka la xidhay  ku jiro oday 70 jir ah. Dadkan badan e la xidhay ayaa waxaa lagu soo eedayay in ay magaalada Arba Minchi ku daadiyeen warqado lagaga soo hor jeedo xukuumada Addis Ababa ee u ururka TPLF ka taliyo.

Waxa kale oo lagu soo eedyay in ay taageersan yihiin ururka Ginbot 7 Arbanyoch oo baryahan danbe dagaalo xoogan ku dhex mareen ciidamada Woyanaha dhinaca Waqooyiga Itoobiya.

Sidoo kale waxay dagaalo badani kaga socdaan xukuumada Woyanaha meelo badan oo ay ka mid yihiin Ogadeniya, Oromia, Gambella, Sidama Benishangul, Axmaarada , Tigrega  & gobolka Canfarta.

ONA/Ethiopia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay